Xidhiidhka Maalka Iyo Farxadda!

0
61

Maalqabeen muddo dheer ganacsi ku jiray oo shirkado waaweyn oo guulaystay sameeyay ayaa la weydiiyay inuu dadka siiyo talooyin waxaana uu yidhi afar arimooda sameeya:

  • Akhri wax aanay dadku akhriyin, – Ka feker wax aanay dadku ka fekerin,
  • Same wax aan dadka kale qaban,
  • Sheqee wakhtigan ay hurdaan ama nasanayaan.

Iyadoo sidaasi ay mashquul u yihiin haddana waxa dhib ah in aanu wakhti ku filan siin qoyskiisa waana in uu taasina xalk u helo.

Nin kale oo Maalqabeen ah ayaa isna la weydiiyay waxa ugu weyn ee uu ka murugoodu noloshiisa?

Waxaana uu ku jawaabay : โ€œWaxaan ka xumahay in aanan ka qayb gelin tartan ciyaareed wiilkayga yar, iyo xafladii qalin jebinta jaamacadda gabadha yar ee aan dhalay.ย  Nin ka mid ah saboolka oo jawaabta maqlayay ayaa aad u farxay oo qoslay oo yidhi : โ€œ Aniga aabahay isagoon maalqabeen ahayn ayuu igala qayb galay dhamaan xafladihii aniga iyo walaalkay. Maalka laftiisa ayaa farxad yaraanta qayb ka ah.ย ย ย  Waad fahantay hadafka!