Hubinta iyo Ansixinta Habraacyada Qaran, Hagayaasha iyo Xakamaynta Caabuqyada Faafa

0
76

Xubinta koowaad ee barnaamijka caafimaadka todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa xidhitaanka kulanka hubinta iyo ansixinta habraacyada Qaran, hageyaasha iyo xakamaynta Caabuqyada faafa, kaasi oo wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland soo gobo’gabaysa.

Haddaba Xidhitaanka kulanka Hubinta iyo ansixinta habraaca Qaran iyo hagayaasha ee Xakamaynta Caabuqyada Faafa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta soo gabogabeeyey, kulan balaadhan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda iyo hay,addaha la shaqeeya, kaasi oo ahaa hubinta iyo ansixinta habraaca qaran iyo hagayaasha ee xakamaynta caabuqyda faafa.

Kulankan oo socday muddo sadeex maalmood ah, ayaa waxaa ka qayb-qaadanayay, Agaasimayaasha kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Agaasimayaasha cusbitaalada ee Goboladda dalka la-taliyayaasha Wasaaradda, hay, addaha caalamiga ee ay wada shaqaynta leeyihiin Wasaaradda, sida Save the children and King global partership iyo xubno ka socday, cusbitaalada gaarka loo leeyahay.

Agaasimaha guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, oo kulankan si rasmi ah usoo gunaanaday, ayaa xusay in ay tahay talaabo weyn oo hore loo qaaday, in la sameeyo, habraac Qaran oo lagu xakamayeeyo caabuqyadda faafa, isagoo aad ugu mahadceliyay dhammaan hawlwadeenadi kala duwanaa, ee mudada soo waday habraacyadan iyo masuuliyiintii ka qaybqaadanayay ansixintiisa saddexdii maalmood ee u dambeeyey ee uu kulankani socday.