Madaxweynaha Somaliland oo Wasiirada Faray soo Gudbinta Mashaariicda Socday iyo Waxtarka ay Qaranka u Leeyihiin

0
90

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa-(Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa faray golihiisa wasiirada in wasiir kastaaba soo gudbiyo mashaariicda wasaaradiisa ka socday ee la xidhiidha arrimaha horumarka,cidda fulinaysay iyo waxtarka ay qaranka u leeyihiin.

Waxaanu wasiirada ku adkeeyay in ay muddo shan iyo toban cisho ah ku soo gudbiyaan mashaariicdaa socday si la isu waafajiyo balllan qaadkii  xisbiga Waddani ee bulshadu ku doooratay iyo mashaariicda hadda yaalla.

 

Waxaana sidaa Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu ka sheegay shirkii golaha wasiirada oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Cirro.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland ,ayaa lagu faah faahiyay warbixino laga dhegaystay wasiiro ka mid ah xubnaha golaha wasiirada iyo amarka Madaxweynuhu faray wasiirada.

Waxaanu u dhignaa war-saxaaafadeedka Madaxtooyada ka soo baxay sidan.

“Fadhigii 004aad ee shirka golaha wasiirrada ee xukuumadda wada-jir iyo wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa lagaga hadley arrimo muhiim u ah danaha Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu golaha wasiirrada ka dhegaystay war bixino kala duwan oo muhiim u ah danaha Qaranka Somaliland, kuwaas oo lahaa xag amni, xag dhaqaale, xag arrimo bulsho iyo dhoofka xoolaha nool oo ah laf dhabarta dhaqaalaheena.

Ugu horeyn Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa golaha war bixin ka siiyey xaalada guud ee dalka waxaanu  sheegay in amniga dalku sugan yahay.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Cabdillaahi Xasan Aadan  ayaa isaguna golaha uga xog waramay xaalada guud ee dhaqaalaha dalka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa cashuuraha iyo dhakhli ururinta. Wasiirka ayaa sheegay in xukuumad ahaan loo baahan yahay inay isku tashano, guntigana giijino.

Dhanka kale wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in la samaynayo guddi isku dhaf ah oo ka kooban wasaaradiisa iyo baanka Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga soo talo bixiyaan xaalad guud ee dhaqaalaha dalku halka uu marayo iyo sidii loo xakameyn lahaa sicir-bararka iyo sarif bararka.

Geestiisa isaguna waxaa golaha war-bixin siiyey wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reermiiga Dr Cumar Shucayb Maxamed  , waxaanu ka xog waramay dhaq-dhaqaaqyada dhoofka xoolaha iyo caqabadaha hor taagan ee u baahan in wax laga qabto, isaga oo hoosta ka xariiqay in xooluhu yihiin laf dhabarta dhaqaalaha dalka.

Wasiirku wuxuu sidoo kale golaha la wadaagay in sanadkii ina dhaafay tirada xoolaha dalka ka dhoofay ay yihiin 3,718,966 neef oo isugu jira Adhi, Lo iyo Geel.

Wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Bashiir Xirsi  ayaa dhinaciisa golaha war-bixin ka siiyey xaalada guud ee caafimaadka dalka, waxaanu sheegay inay wasaaraddiisu iyada oo ka duuleysa wajibaadkeeda Qaran ay ku hawlan tahay bixinta adeegyada caafimaadka iyo ka jawaabista xaaladaha deg-deg ah, haddii ay noqoto xag daawo, xag gaadiid iyo xag shaqaale-ba.

Waxaa isaguna golaha war-bixin kooban golaha siiyey Wasiirka wasaarada Madaxtooyada  Khadar Xuseen Cabdi oo golaha uga xog waramay qorshaha 100 maalmood ee xukuumada Wada-jir iyo wax-qabad u qorshaysan, iyada oo la iswaafajinaayo qorshaha horumarinta iyo lixda tiir ee Barnaamij siyaasadeedka xisbiga, waxaanu sheegay in xukuumadda ay bulshadu uga fadhido wax qabad muuqda oo sameyn ku leh nolosha bulshadeena.

Ugu danbeyn madaxweynaha Qaranka Somaliland  Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa golaha wasiirrada faray si la isku waafajiyo ballanqaadyadii xukuumada iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga in wasiir kastaana muddo 15 cisho ah ku soo diyaariyo war-bixin guud oo la xidhiidha wasaaradiisa wixii mashaariic socda, u qorshaysan, cida maalgalisa iyo faa’iidada mashaariicdaasi u leeyihiin baahiyaha bulshadeena.”