Orodyahanno Reer Somaliland ah oo Guul ka soo Hooyay Tartan ay ka Qayb Galeen oo Dalka lagu soo Dhaweeyay

0
80

Qore:Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan)laba orodyahan  oo reer Somaliland ah isla markaana tartan Orod  kaga qayb galay dalka Angola kuna ordayay magaca Somaliland guulona ka soo hooyay  tartanka ay ka qayb galeen ayaa lagu soo dhaweeyay Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ay weheliyeen Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka  Khadar X,Yuusuf Xasan iyo la taliyaha Wasiirka ee dhinaca arimaha Kubada Cagta Somaliland Khadar Xuseen Jaamac Jilaal ayaa  madaarka  Caalamiga ah ee  Cigaal ku soo dhaweeyey labada Orodyahan ee kaalmaha hore ka soo galay Tartankii 10km ee lagu qabtay Dalka Angola gaar  ahaan Caasimadiisa Luanda.

Labada orodyahan ee ka qayb galay tartanka dhinaca orodka ah ayaa kala ahaa, Fuad Siciid Cali iyo Sakariye Axmed Xasan oo kala   galay kaalmaha Shanaad iyo Lixaad

Geesta kale tartankaas oo ka dhacay dalka dalka Angola ayay ka qayb galeen orodyahano gaadhaya shankun oo orodyahan kuwaas oo ka kala socday badiba dalalka qaarada Afrika isla markaana ay Somaliland  qayb ka ahayd dalalka ay dawlada Angola ku soo casuuntay in ay qayb ka noqdaan tartankaas.

Tartankaas ayaa noqonaya markii labaad ee orodyahano Somaliland ka socda oo   calanka Jamhuuriyadda Somaliland huwani ay ka qayb galaan.

Waxa kale oo labada orodyahan la socday Agaasimaha Waaxda ICTga ee wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xasan nageeye iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi.

Masuuliyiinta la socotay labada orodyahan oo iyaguna ka warbixiyey qaabkii loogu soo dhaweeyey dadlka Angolan ayaa sheegay in qaab meeqaam sare ah loo soo dhaweeyey lana mid ah sidii wadamada kale loo soo dhawaynayey sidoo kalena magaca ay ku tageen uu ahaa magaca Jamhuuriyadda Somaliland tartankana ay ka qayb galeen iyagoo magaca iyo calanka Somaliland huwan.

Gabagabadii Agaasimaha guud ee wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo orodyahana ku soo dhaweeyey madaarka ayaa sheegay in ay guul wayn u tahay qaranka Somaliland madaama ay orodyahanadu ay huwanaayeen calanka Somaliland isla markaana tirada orodyahanada oo aad u badnayd oo gaadhayey illaa shankun hadana ay galeen labada orodyahan kaalmaha hore.