Wasiirka Caddaalada Somaliland oo kulan la Qaatay Hay’adda la Dagaalanka Dambiyada iyo Mukhaadaraadka (UNODC)

0
109

 

Hargaysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda  Somaliland  Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa kulan is xog-warraysi ah la yeeshay saraakiil ka tirsan hay’adda qaramada midoobay ee ka hortagga dambiyada iyo la dagaalanka mukhaadiraadka ee (UNODC).

Kulankaas oo wasiirka ay ku weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaalada Ismaciil Saleebaan Bowkax iyo Agaasime Waaxeedyada wasaaraddaas, ayaa isugu jiray kulan is-barasho iyo is xogwarraysi ku saabsan mashaariicda hay’addu kala shaqayso wasaaradda, gaar ahaan dib-u-habaynta iyo horumarinta xabsiyadda.

Waxaa  kulankaa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda Md. Ismaaciil Saleebaan Bowkax oo ka warbixiyey mashaariicda hay’adda UNODC ka fuliso Wasaaradda iyo halka ay marayaan, waxaanu tilmaamay inay shaqo fiicani ka socoto.

Wasiir wasaaradda caddaaladda Yoonis Axmed Yoonis ayaa isaguna dhankiisa uga mahada celiya saraakiisha hay’adda UNODC kuna wargeliyay in ay dib u habaynta xabsiyada iyo daryeelka maxaabiistu inuu yahay mudnaata koobad ee ay wasaarddu leedahay soona dhaweynayo wada shaqayntooda, waxaanu itaa ku daray wasiirku in loo baahan yahay in la xoojiyo shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda iyo Hay’adda ka hortaga dambiyada iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka.

Dhinaca kale wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiimad wayn u leedahay wasaaradda dib-u-habaynta Xabsiyada iyo daryeelka Maxaabiistu, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in diirada la saaro sidii loo fulin lahaa.

Dhankooda Saraakiisha ka socday Hay’adda ka hortaga dambiyada iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka ee UNODC, ayaa soo dhaweeyey soo jeedinta wasiirka, ballan qaadayna in ay si dhaw ula shaqaynayaan wasaaradda, sidoo kalena ay fulinayaan mashaariicda muhiimada u leh wasaaradda iyo dalkaba.