“Waxaa la Gaadhay Wakhtigii Ingiriisku Toos u Aqoonsan lahaa Somaliland” Xildhibaan Gavin William son

0
95

Qore: Faysal Xiis Afgaab

 

Hargeysa(Dawan):-  Xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Ingisriiska isla markaana xillal wasiirnimi ka soo qabtay dawladda Boqortooyada Ingiriiska oo ah mudane u ololeeya aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa dawladdiisa ku canaantay sabbata ay u aqoonsan wayday Somaliland.

Waxaa kale oo uu Somaliland ku sifeeyay qaran  u qalma in la aqoonsado oo noqday dalka ugu dimuquraadi san mandaqada u uku yaallo  iyo guud ahaan Afrika.

Waxaanu itaa raaciyay in la gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa Somaliland oo ha dal guulaystay oo ka midho dhaliyay hamigooda dawmadnino.

Waxaanu sidaa xildhibaan Gavin Williamson ku sheegay qoraal uu shalay ku baahiyay bartiisa Facebook oo uu kaga hadlay kun uu la qaaday Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Waxaanu ku yidhi qoraalkiisa mudane Gavin Williamson. “Waxa aad u wanagsanayd in aan la kulmo madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, wasiirka madaxtooyada Somaliland iyo taliyaha guud ee madaxtooyada.

ka dib doorasho xor iyo xalaal ah iyo sidoo kale si nabad ah oo xukunka lagu kala wareegay  si ka duwan inta badan ee dalalka jaarka ah, waxaa hadda la joogaa waqtigii UK u aqoonsan lahayd Somaliland qaran madax-bannaan. tani aad ayey u dheeraatay laakiin hadda waa waqtigii ay la dhaqmi lahaayeen quruumaha kale sida Mareykanka.”

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa ah mudane u ololeeya aqoonsiga Somaliland isla markaana marar badan dodo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ka jeedayay Baarlamaanka Ingiriiska.