Mid ka mid ah dadkii badbaaday bamkii atomiga ee Nagasaki oo ku dhintay da’da 93

0
28

Shigemi Fukahori, oo ka badbaaday qarixii atomiga ee Nagasaki 1945, kaas oo naftiisa u huray u doodista nabadda iyo joojinta hubka wax gumaada ayaa dhintay isaga ahaa 93 jir.

Fukahori wuxuu ku dhintay cisbitaal ku yaal Nagasaki, koonfur-galbeed Japan, January 3, Kaniisadda Katooliga ee Urakami, ayaa lagaga tukaday sida Axadii loo sheegay warbaahinta gudaha.

Kaniisadda oo ku taal meel 500 mitir u jirta halkii uu Bamku ku dhacay, una dhow Beerta Nabadda ee Nagasaki, ayaa si weyn loogu arkaa inay calaamad u tahay rajo iyo xus nabadeed, halkaas oo uu ku yaal Jeles ama gambaleelka iyo Taallooyin qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday qaraxii Nukliyeerka.

Fukahori wuxuu ahaa 14 jir markii Maraykanku bamka ku tuuray Nagasaki Aug. 9, 1945, halkaas oo uu ku dilay tobanaan kun oo qof, oo ay ku jiraan qoyskiisa. Iyada oo saddex maalmood ka horna uu dhacay weerarkii Nukliyeerka ee Hiroshima, oo ay ku dhinteen 140,000 oo qof. Japan ayaa is dhiibtay maalmo ka dib, taas oo soo afjartay dagaalkii labaad ee aduunka iyo quwadii wakhtigaa ugu weynayd Aasiya.

Fukahori, oo ka shaqaynayay goob markabka laga leeyahay oo qiyaastii 3 kiilo mitir u jirta halkii bambada lagu tuuray, ayaa ka hadli kari waayay wixii dhacay sanado badan, ma aha oo kaliya xusuusta xanuunka badan ee uu dareemayay, laakiin sidoo kale waxa uu dareemayay awood la’aan.

Wuxuu noqday mid aad u hadal badan ka dib markii uu booqasho ku tagay Spain, oo uu la kulmay nin isaguna la kulmay qarixii Guernica ee 1937 markii uu socday dagaalkii sokeeye ee Spain isaga oo sidoo kale ahaa 14 sano jir. Waayo-aragnimadii uu la wadaagay ayaa waxay ka caawisay Fukahori inuu furo.

“Maalintii bambada la tuuray, waxaan maqlay cod caawimaad dalbanaya, markii aan dul maray oo aan gacanta taagay, maqaarka qofka ayaa dhalaalay, weli waan xusuustaa sida uu dareemayey,” Fukahori ayaa u sheegay warbaahinta qaranka Japan, NHK, 2019.

Wuxuu inta badan la hadli jiray ardayda, isaga oo rajeynaya inay qaataan waxa uu ugu yeedhay “usha nabadda,” isaga oo tixraacaya u doodistiisa.

 

Markii Pope Francis uu booqday Nagasaki 2019, Fukahori wuxuu ahaa kii u dhiibay ubaxyo cadcad. Sannadkii xigay, Fukahori waxa uu metelayay dhibbanayaashii bamka xaflad la qabtay, isaga oo sameeyay “ballanqaadkiisii ​​nabadda,” isaga oo leh: “Waxaan go’aansaday inaan diro fariintayada ah inaan Nagasaki ka dhigo meesha ugu dambeysa ee bamka atomiga ah abid lagu tuuro.”

Dadka dhibanayaasha u ah Labadii Bom waxa afka Japan loo yaqaan Hibakusha, waxay dawlada Jaqan diiwan gelisay 650,000 oo qof, 31 March 2024, waxa noolaa 108,825 qof, hoos ayey u socdaan dadkaasi.