Seychelles: Dal yar oo ay ku tartamaan quwadaha waaweyn

0
23

18 bilood ayaa laga joogaa markii uu Maraykanku dib u furay safaaradiisa Victoria ee dalka Seychelles, 27 sano kadib markii Washington ay ka baxday jasiiradaasi.

Seychelles waa jasiirad ka kooban 115 jasiiradood oo istaraatiiji ah oo ku taal badweynta Hindiya ee isku xidha Afrika, Koonfurta Aasiya iyo waddamada Khaliijka. Waddankan yar ee Afrikaanka ahi, kaliya ma aha mid Maraykanka ku soo jiitay awoodiisa ganacsi iyo maalgashi ee waa meel muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, marka loo eego marinnada badda ee u furan kalluumeysiga iyo deegaanka badda,” sida ay sheegtay safaaradda Maraykanka.

Dib u soo noqoshada uu Maraykanku dib u soo celiyay joogitaankiisa diblomaasiyadeed waxa ay sidoo kale noqotay garoon-siyaasadeed ee Washington iyo Beijing iyaga oo u tartamaya saamaynta Afrika iyo adduunka.

Intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, Maraykanku waxa uu Seychelles ku lahaa xarun dabagal oo lagula socdo dayax gacmeedyada Ruushka. Dhowr sano ka dib markii daahii Birta ahaa ee u dhexeeyey Galbeedka iyo Bariga uu dhacay, Maraykanku wuxuu xidhay saldhigga iyo safaaradiisa. Maqnaanshaha Washington, Shiinaha ay faa’iido u noqotay wuxuu buuxiyey meeshii uu banneeyey Maraykanku wuxuuna saameyn ku yeeshay waddanka jasiiradda iyada oo loo marayo mashaariic dhismo, dadaallo waxbarasho iyo hawl-qabadyo kale oo jilicsan. Washington, iyada oo og in Beijing iyo Seychelles ay cagta isla heleen, waxay bilowday inay dib ula shaqeyso dalka Seychelles 2023.

Seychelles waa mid ka mid ah dhowr wadan oo jasiirado ah oo uu Maraykanku u arkay istaraatiijiyad muhiim ah isku daygiisa uu kaga hortagayo Shiinaha marxaladda caalamiga ah. Dhinaca Baasifiga, Maraykanku waxa uu dib u furay safaaradiisa Solomon Islands 2023 waxaana uu safaarad ka sameeyay Tonga. Sannadkii xigay, Maraykanku wuxuu safaarad ka furay Vanuatu.

Iyada oo aan weli la arkin jihada uu maamulka labaad ee Trump si caalami ah u mari doono siyaasadiisa Shiinaha, ayaa VOA waxay safar ku tagtay jasiiradda weyn ee Mahe ee Seychelles si ay u soo eegto sida Shiinaha iyo Maraykanku u saameeyeen dalkaas, iyo sida mid kastaaba uu caddaalad ugu samaynayo. tartankaas saamaynta ee halkaas.