Wakiilada oo Ansixiyay Hormadii Labaad ee Golaha Wasiirada Xukuumadda JSL

0
31

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay codka kalsoonida siiyay hormadii labaad ee golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Somaliland ee uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Waxa goluhu shalay ansixiyay 29 xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda.

Sidoo kale golaha Wakiillada Somaliland ayaa Isniintii dorraad codka kalsooniada siiyay hormadii koobaad ee golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Somalialnd, kuwaas oo ka koobnaa 19 xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada. Waxaanay wadar guud ee wasiirrada goluhu ansixiyay isku noqonayaa 48 xubnood oo ah tirada uu ka kooban yahay golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Somaliland.

Xubnaha cusub ee xukuumadda Somaliland ee tallada haysa oo isugu jiray wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo wasiirul-dowleyaal ayaa dhammaantood helay aqlabiyadda codadka xildhibaanada golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xubnaha golaha wasiiradda Somaliland, ayaa golaha wakiillada ka hor akhriyay qorsheyaasha ay doonayaan inay fuliyaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo mudada 5 sano ee soo socda, waxaaney golaha ka codsadeen inay codka kalsoonida siiyaan.

Wasiirada la ansixiyay waxa kamid ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL, Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo helay 65 cod, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo helay 59 cod.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Md. Maxamed Yuusuf Cali (Ikacase), ayaa helay 62 cod, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Khadar Xuseen Cabdi, ayaa isna helay 65 cod, sidoo kale 64 Mudane ayaa ogolaaday in Md. Xassan Axmed Ducaale (Maclin) in uu ahaado Wasiir Wasaarada Horumarinta Dawladaha Hoose iyo Magaalooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Axmed Maxamed Faarax Coofle, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Md. Jamaal Maxamed Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cismaan Ibraahin (Af-gaab), iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mrwo Kaltuun Sh. Xassan Cabdi Madar, ayuu sidoo kale midkiiba helay 65 cod.

Wasiirka Maalgashiga, Md. Siciid Maxamed Buraale – 63 cod, Wasiirka Deegaanka, Md. Cabdilaahi Cismaan Jaamac ayaa helay 64 cod, Wasiirka Maaliyada, Md. Cabdilaahi Xassan Aadan Cawaale ayaa helay 65 cod, Wasiirka Ganacsiga, Md. Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre ayaa helay 65 cod, Wasiirka Diinta, Md. Cabdilaahi Daahir Jaamac ayaa helay 65, Wasiirka Hawlaha Guud, Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa helay 63 cod, iyo Wasiirka Amniga, Md. Cabdale Maxamed Carab oo sidoo kale helay 65 cod.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Md. Ismaaciil Yuusuf Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mrwo. Milgo Maxamed Cilmi, ayuu midkiiba helay 65 cod.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda JSL, Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta JSL, mudane Axmed Jaamac Barre Rooble, wasiirka wasaaradda biyaha JSL, Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good Wacays, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, wasiirka wasaaradda duulista iyo horumarinta madaaradda JSL, Mudane Fu’aad Axmed Nuur, wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka JSL, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan, wasiirka wasaaradda dib u dejinta iyo arrimaha bini’aadanimada JSL, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga JSL, Mudane Cumar Shucayb Maxamed Cabsiiye.

Wasiirul-dowlaha wasaaradda waxbarashada, barbaarinta iyo sayniska JSL, Mudane Muxumed Yuusuf Ibraahim Faacul, wasiirul-dowlaha wasaaradda amniga gudaha JSL, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), wasiirul-dowlaha wasaaradda maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mowliid Cabdillaahi Xasan, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta beeraha JSL, Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, wasiir ku xigeenka wasaaradda dowlaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka JSL, Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, Mudane Muuse Askar Guuleed Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL, Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile, wasiir ku xigeenka wasaaradda diinta iyo awqaafta JSL, Mudane Jamaal Jaamac Xaamud Dhunkaal, wasiir ku xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga JSL, Mudane Cali Axmed Cabdi Cantar, wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha JSL, Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi Galaydh, wasiir ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga iyo khayraadka badda JSL, Mudane Sharmaarke Cabdi Muuse Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda dib u dejinta iyo arrimaha bini’aadanimada JSL, Mudane Cabdiraxmaan Shide Bille Dharaar, wasiir ku xigeenka wasaarada duulista hawada iyo horumarinta madaarada JSL, Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi Aadan, wasiir ku xigeenka wasaaradda degaanka iyo isbedelka cimilada JSL, Mudane Maxamed Aw Daahir Ibraahim, wasiir ku xigeenka wasaaradda maalgashiga iyo wershadaha JSL, Mudane Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno), wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska JSL, Mudane Jawhar Siciid Warsame, wasiir ku xigeenka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada JSL, Mudane Maaliki Cabdi Xasan Xirsi, wasiir ku xigeenka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka JSL, Mudane Maxamed Muuse Bucul Bookh, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, Mudane Maxamed Cabdi Maalik Axmed, ayuu midkiiba helay 64 cod.

Wasiiradda wasaaradda warfaafinta iyo cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku hadlayay afka masuuliyiinta la codka kalsoonida la siiyay ayaa golaha wakiillada uga mahadceliyay.