Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somalialnd, Mudane Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegtay in ay kor u qaadayaan ilaalinta xuquuqda xoriyada hadalka, oo aan dadka iyo wariyayaasha aan loo xididi doonin haday ka hadlaan fikiro aanay xukuumadu jeclaysan.
Wasiirku isaga oo daba socda balanqaad uu dhawaan Madaxweyne, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, u sameeyay warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah, ayaa hoosta ka xariiqay in ay ilaalin doonaan xoriyatul-qawlka.
Waxaanu yidhi. “Waxa aanu ku dalaalaynaa in aan qofna loo xidhin ra’yigiisa, inta aanu sharciga ka talaabin, ama war ayuu tabiyay xaqiiqo ah oo aan la jeclayn aan lagu xidhin, marka waxaynu noqon umad sharcina hago xoriyadeedana haysata.
Marka bulsho sharcina wado, xoriyadeeda haysata, kuna wada shaqaysa qiyam, diin iyo dhaqan si xor iyo xalaal ah wax loo doorto”.
Wasiirka warfaafinta Mudane Axmed Yaasin ayaa sigaara fariin ugu diray bulshada Somaliland, isla markaana si dhaw isu-dul taagey qodobada mudnaanta leh ee u baahan in xukuumada si dhaw wax loogala qabto, si loogaadho hadafkii iyo himiladii Qarankani lahaa.
Waxaanu yidhi. “Muwaadiniinta reer Somaliland waxa aanu ka codsaneyna adeegayaal u shaqaynaya Qaranka iyo bulshada JSL, ayaanu nahay ee inaad nagu garab gashaan, inaad difaaca Qaranka nagu garab gashaan, dhaqaale dhiska inaad nagu garab gashaan, isu-soo-dhaweynta bulshada inaad nagu garab gashaan, walaaleynta iyo isu soo celinta Qarankan inaad nagu garab gashaan, in cashuurtu ciddii ay ku waajibtay ay iska bixiyaan, loona dhaga-nuglaado askariga difaaca inoogu jira ee jiida hore jooga, ka hadalka bixinaya ha taageero, ka wadanimadu ku jirta ha soo saaro waxa ku jira jeebkiisa iyo caqligiisa, aynu wada difaacano Qarankeena, aynu isa-saamaxno, bog cusubi hayno furmo Qarankuna ha hanaqaado, Somaliland siraadan aynu kuwada dadaalo annaguna garabkiina ayaanu taaganahay”
Geesta kale waxa uu sheegay in boqolka maalmood ee u horeeya uu ka wasiir ahaan qaban doono shirweynaha dhaqanka Somaliland, waxaanu xusay in laga soo saari doono xeerka dhaqanka Somaliland.
Waxaanu yidhi.“Boqolka Maalmood ee u horeysa waxa ii qorsheysan in aan qabto shirweynaha dhaqanka Somaliland, kaas oo laga soo saari doono xeerkii dhaqanka Somaliland, ahna mid aanu ku xakameyn doono qabyaalada xadhkaha goosatay, waxa aanu rabna gudida horumarinta af Soomaaliga in aanu sameyno”
Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in uu soo saari doono siyaasada warbaahinta dalka lagu maamuli doono.
Waxaanu yidhi.“Waxaa aanu soo saari doona siyaasada Qaran ee warbaahinta, taasina waxa ay dhali doonta siyaasadihi iyo xeerarkii kale ee bulshada lagu dhaqayay, kana mid yahay xeerka idin horyaala oo aanu doodiisa ka qaybgeli doono,”
Sida marar badan lagu xusay warbixinaha sannadlaha ah ee American Freedom House, Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ugu sareeya ilaalinta xuquuqda madaniga ah iyo siyaasada, iyada oo marar badan xataa ka kor martay Kenya, isla markaana kaalinta kowaad ka gashay Bariga Afrika.
Madaxweyne Cirro iyo xisbigiisa Waddani, ayaa xiligii ollolaha doorashada bilanqaaday in ay xoojin doonaan ilaalinta xuquuqahan aasaasiga ah.