Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda duulista, hawada iyo horumarinta madaarada Somaliland Mudane Fu’aad Axmed Nuur, ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu soocelinayaan maamulka hawada, iyada oo kaashanaysa kaalmo sharci.
Sidoo kale waxa uu xusay in ay gacanta ku hayaan qorshe ay ku raadinayaan kaalmo sharci oo caalamiya, si ay ugu fududaato dariiqa ay u marayaan soocelinta hawada Somaliland.
Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay doonayaan ka wasaarad ahaan wax weyn ka qabtaan dib u dhiska Garoomada dalka.
Waxaanu yidhi.“Marka laga hadlayo maamulka hawada khilaaf ayaa innaga dhaxeeya Soomaaliya, qorshahayaguna waxa uu yahay in maamulka hawada Somaliland aanu gacanta ku dhigno anaga oo u mareyna hannaan sharciya, qorshahana waxa noogu jirta in aanu raadsano kaalmo sharci oo caalamiya, taasi oo ah sidii aynu hawadeena gacanta ugu dhigilahayn, haddii ay tahay maamulka hawada iyo wixii adeegya ah ee dhanka hawada ah”
Wasiirku waxa uu xusay in qorshaha ay ugu jirto sidii ay u dhisilahaayeen una horumarin lahaayeen garoomada diyaaradaha ee dalka.
Waxaanu yidhi. “Qorshahayagu waxa weeyi in aanu wax ka qabano garoomada diyaaradaha ee dalka, sida Garoonka Diyaaradaha ee Burco, Berbera, Ceerigaabo, Borama, Saylac iyo Kalay-baydhba, iyo garoonkasta oo diyaaradeed oo aynu baahi u qabno inuu shaqeeyo waynu furayna, sidii aanu wax uga qabanlahayna qorshaha ayay noogu jirta haddii ILLAAHEY yidhaahdo”