Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed ayaa sheegay inay xayireen xoolihii kootada loogu xidhay ganacsadaha xoolaha ee ALLA YASIR kaasi oo sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya oo kooto ugu xidhay dhamaan Xoolaha Soomaalida.
Waxsiirka xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa tilmaamay in ay arrintani ahayd mid aa suurtagal ahayn isla markaasina ay ka biyo diideen dhamaan Soomaalida ku nool dalalka kala duwan sida Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inay hadda ku jiraa xalinta hawshaasi waxaanu yidhi
“Xoolaheenu Sucuudiga ayay u dhoofaan suuqyo kale oo fara badana way leeyihiin, sadex Maxjar baa ka jira Somaliland kuwaasi oo ku yaala Berbera sadexdaa Maxjar mid ka mid ah oo ALLA YASIR la yidhaa qayb mulkiile ka ah, dawladda Soomaaliya markaa ninkaasi ganacsadaha ah iyada oo nikaasi ula macaamilaysa si sharci darro ah, waxa ay samaysay inay u xidho Xoolihii Soomaalida.
Ninkaasi Jabuuti Maxjaro ayuu ku leeyahay, Boosaaso ayuu ku leehaya arrintaasi waxay noqotay mid Soomaali oo dhani ka qaylido, markaa arrin inaga oo kaliya inagu kooban maaha balse waa arrin aanu ka hawlgalnay si fiicana way u socotaa dhawaana insha allaha Xolaheenu way furmayaan”.
Dhinaca kale wasiirka Xannanada Xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa sheegay in aan halkan laga maamulin Soomaaliya balse ay Somaliland maamusho isla markaasina ay amarka xukuumadda ku dhoofayaan Xoolaha Somaliland waxaanu yidhi
“Xoolaha waxa la xayiray kaliya intii Sucuudiga u dhoofi jirtay, arrintaasina waanu ku jirnaa waanay dhamaanaysaa, balse waxa muhiim ah in aynu inagu xaqiijin in Somaliland aan Xasan Sheekh Maxamuud maamulin cid kalena aanay maamulin ee aynu inagu maamulno oo Xooluhu amarkeena ku dhoofaan”.
Gebo’gabadii maalmihii u danbeeyay ayaa waxa ay ganacsatada Xoolaha Somaliland si wayn uga cabanayeen ganacsadaha ALLA YASIR kaasi oo ay ku tilmaamayen in Xoolaha dalka kooto loogu xidhay, balse xukuumadda Somaliland oo ka hawlgashay arrintaasi ayaa xayiraad saartay Xoolihii u dhoofayay Sucuudiga, waxaanay sheegtay in ay xayirnaanayaan inta ay xukuumaddu go,aan ka soo saarayso.