“Xukuumaddayada Siyaasaddeedu Waa Dabacsanaan, Tudhaale iyo Dulqaad” Wasiirka Warfaafinta

0
39

Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in ay Warbaahinta kala shaqaynayaan helida xuquuqdooda, xukuumadduna xaq u leedahay in ay doorkeeda shariifka ah yeelato 

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa sheegay in siyaasadda xukuumadda cusub ee uu ka tirsan-yahay ay tahay mid ku salaysan dabacsanaan, Tudhaale Dulqaad, midnimo iyo isu-soo-dhaweyn.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta JSL waxa uu tilmaamay in siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku hoggaaminayo xukuumaddooda uu ka tirsan yahay ay tahay mid ka shaqaynaysa isu soo dhawaynta iyo naxariista bulshada Somaliland.

Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Annagana xukuumadayadda siyaasadeeda uu nagu hogaaminayo madaxwaynaha Qaranka Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waa dabacsanaan, waa tudhaale, waa dulqaad, waa isku duubni, waa naxariis iyo isku soo dhawayn bulshada qaybaheeda kala duwan oo dhan”.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan uu shalay la qaatay qaar ka mid ah wariyayaasha warbaahinta gaarka loo leeyahay ee dalka. Kulankaasi oo lagu gorfeeyay sidii wada shaqayn wanaagsani ay u dhex mari lahayd wasaaradda warfaafinta iyo Warbaahinta madaxa bannaan iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa dhismaha dalka iyo jihaynta bulshada.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in kulanka ay Warbaahinta madaxa bannan kaga wada hadleen sidii loo wada shaqayn lahaa iyo sidii loo heli lahaa qaab ay warbaahintu ugu shaqayso bulshada iyada oo xor ah iyo sidii xukuumadda loogu ixtiraami lahaa doorkeeda iyo kaalinteeda ay masuulka ka tahay.

Wasiir Axmed Yaasiin oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Halkan oo aannu maanta kulan qiima badan ku yeelanay, is waraysanay, is xog waraysanay, si wanaagsan uhs wada hadalnay waxay tabayaan oo dhan oo ay nooga warameen, waxay talo noo hayeen noo soo jeediyay rag mudakar ah oo saxaafadda Somaliland kuwii ugu magaca waynaa ah, intii ugu aqoonta badnayd uguna waayo’aragsanayd ee mudada dheer saxaafadda ku soo jirtay ayaanu halkan ku kulanay, inta kalena koley iyagaa ka wakiil ah.

Run ahaantii xukuumad ahaan waanu la shaqaynaynaa Warbaahinta madaxa bannaan, masuul baanu ka nahay, xaq bay u leeyihiin inay xog helaan, madax bannaani helaan, xeerarna helaan xaq bay u leeyihiin, xukuumaduna waxay xaq u leedahay inay doorkeeda shariifka ah yeelato, kaalinteeda loo ogolaado masuuliyadeeda lagu ixtiraamo, wada shaqaynta lagu ixtiraamo, amniga ay masuulka ka tahay lagu ixtiraamo, Qaranka hawshiisa ay hayso lagu ixtiraamo lagulana shaqeeyo arrimahaasi oo dhana, si wanaagsan baanu uga wada hadalnay.”

Dhinaca kale wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay warbaahinta madaxa bannaan ugu jirto dalka iyo sida loo baahan yahay in laga ilaaliyo in loo isticmaali dhinaca qaldan si aanay dalka iyo dadka wax u gaadhsiin , waxaanu yidhi “Warbaahintu waa meelaha ummada laga dhiso haddii si qaldan loo isticmaalo waa meelaha wax laga dumin karo, waxaanu rajaynaynaa in Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland ay noqoto mid dadka iyo dalkaba u shaqaysa oo dhista inay noqoto ayaanu rajaynaynaa.

La taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha saxaafadda Xamse Cali Bulbul oo kulankaasi kala qayb-galay ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland jecelyahay kor u qaadista dumuquraadiyadda Somaliland, warbaahintuna ay arrintaasi kula shaqayso, waxaanu yidhi “Madaxweynaha JSL markii uu mucaaradka ahaa iyo hadda ba waxa uu jeclaa kor-u-qaaddida dimuqraaiyadda, saxaafadduna in ay taas kula shaqayso ayaan u soo jeedinayaa”.

Gebo’gabadii xubno ka mid ah warbaahinta madaxa banana oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in ay wada shaqayn fiicani dhex marto wasaaradda iyo warbaahinta madaxa bannaan, waxaany wasiirka Warfaafinta uga mahad celiyeen kulankan xog waraysiga ah.

Gudoomiyaha Muuq baahiyaha MM TV oo kulanka goob jog ahaa ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la helo siyaasad ay warbaahintu ku shaqayso waxaanu yidhi “Dawladda waxa laga rabaa siyaasad wanaagsan oo warbaahintu kula shaqayso, annaguna in la is naco qayb kama noqonayno, ee dawladda ayaanu siyaasaddaa kula shaqaynaynaa ”.

Saxafi Sagal Beeldeeq oo matalaysay Hablaha Warbaahinta madaxa banana oo kulanka ka hadashay ayaa tidhi “Waxa aanu ballan qaadaynaa in aanu la shaqayno xukuumadda cusub”.