Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan xubintiisa kowaad waxa aynu ku soo qadanaynaa wasiirka caafimaadka Jmhuuriyadda Somaliland oo kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka gobolka Maroodi Jeex.
Inta aynu ku jirno xubinteena koowaad ee barnaamijka caafimaadka waxa aynu ku faaqidi doonaa kulankan iyo muhiimada uu u leeyahay caafimaadka, maadaama masuuliyiinta caafimaadku ay ku cusub yihiin wasaaradda
Haddaba Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay, maamulka caafimaadka iyo agaasimayaasha qaar ka mid ah cusbitaaladda Dawladda ee Gobolka Maroodijeex.
Kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda iyo masuuliyiin kale, kulankan ayaa qayb ka ahaa, kulamada ay masuuliyiinta Wasaaraddu la qaadanayeen qaybaha kala duwan ee maamulada Wasaaradda, intii kulankani socday ayaa waxa ay warbixino kala duwan oo ku aadan habsami u socodka hawlaha shaqo ee Gobolka Maroodijeex ka dhagaysteen, isuduwayaasha Caafimaadka ee Goboladda Maroodi-Jeex iyo Hawd iyo maamulada qayb ka mid ah cusbitaaladda dawliga ah ee Gobolka Maroodijeex.
Wasiirka ayaa u mahadceliyay hawlwadeenada kala duwan ee Caafimaadka Gobolka Maroodijeex, isagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqadda Qaran ee ay u hayaan dadkooda.