Xildhibaan Indho-indho oo sheegay in dawladaha Ruushkii, Faransiiskii, Marakankii iyo Ingiriisku ba ay danaynayaan aqoonsiga Somaliland”
Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha guddida arrimaha dibada ee golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho Indho ayaa tilmaamay in shanta dawladood ee adduunyada haysta diidmada qayaxan ay sadex ka mid ahi la socdaan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaasina ay la dhacsan yihiin Dimuqraadiyadda iyo xasiloonida Somaliland, kuwaasi oo uu ku ammaanay taageerada iyo saaxiibtinimada siyaasadeed ee ay Somaliland la garab-taagan yihiin.
Guddoomiyaha guddida arrimaha dibada ee golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho Indho, waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay ka qayb-qaadanayay dooda ajandaha kal-fadhiga 86-aad ee golaha Guurtidas, qodobkiisa siyaasada arrimaha dibada, waxaanu tilmaamay in Somaliland ay haysato aqoonsi buuxa oo ILLAAHAY aqoonsan yahay, waxaanu soo jeediyay in la fahmo waxa aynu uga baahannahay waddamada caalamka ee aynu ka baadi-goobayno.
Geesta kale waxa uu tilmaamay Xildhibaanku in shanta dawladood ee dunida haysta diidmada qayaxan ay sadex ka mid ahi la socdaan Somaliland, isla markaasina ay la dhacsan yihiin Dimuqraadiyadda iyo xasiloonida Somaliland, kuwaasi oo uu ku ammaanay taageerada iyo saaxiibtinimada siyaasadeed ee ay Somaliland ku taageeraan.
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho Indho oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shanta dawladood ee diidmada qayaxan leh dunida way hadleen, xataa Ruushkii baa hadlay, Faransiiskii baa hadlay, Marakankii iyo Ingiriiskii baa iyaguna hadlaya, waan u mahad celinayaa, shantaasi quwadood sadex baa inala socda, mid kalena wuu lig-liganayaa, ILLAAHAY inta kalena ha inooga dhawaajiyo.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho ayaa sheegay in waxa aynu uga baahan nahay dawladaha caalamku uu yahay in aynu helno xidhiidhka dawladaha waawayn, isaga oo intaasi ku daray in arrintaasina ay maanta taagan tahay oo sida Cadceeda ay u caddahay, waxaanu xusay in dawladaha ugu waawayn intooda badan ay danaynayaan Somaliland iyo Aqoonsigeeda.
Geesta kale Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho Indho ayaa tilmaamay in saaxiibka ugu way nee Somaliland ee dhinaca siyaasada arrimaha Dibadu uu yahay dalka Ingiriiska, kaasi oo uu sheegay inuu dalkiisa ka sameeyay “Somaliland Parliamentarian Group” ururka Xildhibaanada Somaliland una dhaqdhaqaaqa qadiyada Aqoonsiga Somaliland.