Qore C/haab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL Prof. Ismaaciil Ducaale Yusuf, oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Mudane Maxamed Yusuf Faacuul iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarasha barbaarinta iyo sayniska Mustafe Cumar Faarax, ayaa kulan la qaatay Gudoomiyayaasha Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Hargaysa, Cabdikarim Axmed Mooge, Berbera, Cabdishakur Maxamud Xasan (Cidin) iyo Gudoomiye ku- Xigeenka Degmada Gabiley Abdillahi Ismail Abdi, kulankan oo ahaa is barasho iyo in la xoojiyo wada shaqaynta degmooyinka ee Maamul-daadajinta Waxbarashada Aasaasiga ah.
Maayirada degmooyinka ayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uga mahad celiyey martiqaadka kulankan lagu Dardar gelinayo wada-shaqaynta maamulada degmooyinka iyo Wasaaradda Waxbarashada.
Intii kulanku socday, Maayirada Degmooyinka ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta degmooyinka iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. Maayarada degmooyinka ayaa warbixin kooban ka siiyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada adeega waxbarashada aasaasiga ah ee degmooyinku ay gacanta ku hayaan wax-yaabaha u qabsoomay mudadii ay gacanta ku hayeen iyo hawlaha u qorshaysan.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa Gudoomiyayaasha Golayaasha Degmooyinka ee Hargaysa, Berbera iyo Gabiley uga mahad celiyey hawsha fiican ee ay qaranka u hayaan, gaar ahaan adeega waxbarashada aasaasiga ah ee loo daadajiyey maamulkooda. Ugu danbayn, waxaa laysku waafaqay in la qabto shirka dibu-eegista maamul-daadajinta waxbarashada aasaasiga ah ee degmooyinka.