Macalimiinta dugsiyada ayaa caado u leh inay ciqaab kula kacaan ardayda marka ay u arkaan in gef sameeyaan. Ciqqabka macalimiinta ayaa aad u kala duwan laakiin dhamaantood waxay ku leeyihiin saamayn waxbarashada Ardayda. Ciqaabkaasi waxa ka mid ah markii macallimad Maraykan ah oo dugisiyada hoose ay aragtay mid ardayda ka mid ah, oo fasalka dhexdiisa ku ciyaaraya iyago maro iyo maqas isku ku jarjaraya.
Macalimadd ayaa ardayada markaa gacanta ku haysay ka qaaday maqaska isla markaana timaheeda qaybo ka mid ah kaga jartay, laakiin ardayada ayaa si xoog badan qaylo oohin ah oo yaab leh ku dhuftay sidii iyadoo ay halis gashay. Ardayda arkaysay ee dhinac fadhiyay aay dhamaantood si aad u xoog badan u qoslay.
Ardayda ayay maamulka dugsigu isugu yimaadeen markii ay aamusi weyday, waxaana macalimadda ficilkan kula kacday lagau ganaaxay $ 175 iyadoo ardayadana la raali geliyay. Macalimiinta ayaa kula kaca arimoo ciqaab ah ardayga kuwaasi oo ku keena ardayga in mararaka qaarkood u dugsiga iskaga baxo oo niyada jabo. Ardayadan ayaa codsatay in laga bedelo fasalkaasi iyadoo dareemaysa xaqiraad iyo sidii jeesjeeska ahayd ee ay ugu qosleen. Waxa muhimadda in macalinku ku tababaran yahay xirfadda ilaalinta dareenka caruurta si aanay uga niyad jabin waxbarashada.