Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in la kordhiyay abaal marin ah cidii keenta xog lagu soo xidho madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro oo loo dhaariyay xilka madaxtinimo markii saddexaad muddo lix sano ah. Waxa uu sheegay Maraykanku in abaal marinta laga dhigay $25 Milyan oo doolar una dhiganta £20.4 Milyan oo ginni.
Xafladdiisa caleema saarka oo shalay ahayd ayaa waxaa hadheeyay dhaleeceyn uga timid beesha caalamka iyo hogaamiyayaasha mucaaradka ee Venezuela.
Abaalmarino ayaa sidoo kale la siiyay ciddii keenta xog horseedeysa in la soo xidho ama lagu xukumo Wasiirka Arrimaha Gudaha Diosdado Cabelo. Abaalmarin cusub oo gaadhaysa ilaa $15m ayaa la siinayaa cidii war ka keenta sidoo kale wasiirka difaaca Vladimir Padrino.
UK ayaa sidoo kale soo saartay cunaqabateyn lagu soo rogay 15 ka mid ah madaxda ugu sareysa dalka Venezuela, sida garsoorayaal, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo saraakiil ciidan.
Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ayaa sheegay in kuwa la cunaqabateeyey ay mas’uul ka yihiin “wax u dhimista dimuqraadiyadda, sharciga, iyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha”.
Xoghayaha arrimaha dibadda David Lammy oo hadalkiisa sii wata ayaa ku tilmaamay nidaamka Maduro mid “khiyaano ah”.
Sidoo kale Jimcihii, Midowga Yurub wuxuu sheegay inay kordhinayaan “tallaabooyin xaddidan” oo ka dhan ah Venezuela sababta oo ah “horumar la’aanta… taas oo horseedaysa soo celinta dimuqraadiyadda iyo sharciga”. Ururka ayaa sidoo kale cunaqabatayn saaray 15 sarkaal oo kale oo reer Venezuela ah.
Maduro iyo dowladiisa ayaa marar badan dhaleeceeyay qaar badan oo ka mid ah eedeymaha uga imaanaya wadamada reer galbeedka iyo hogaamiyayaasha mucaaradka. Weli kamuu hadlin cunaqabateyntii ugu dambeysay ee lagu soo rogay.
Jimcihii, Madaxweyne Maduro ayaa baarlamaanka hortiisa ku dhaariyay, isaga oo wacad ku maray in lixdii sano ee uu xilka hayn doono ay noqon doonto “muddo nabadeed”.
“Muddada cusub ee madaxweynaha waxay noqon doontaa xilliga nabadda, barwaaqada, sinnaanta, iyo dimuqraadiyadda cusub,” ayuu yidhi.
“Taariikhda ayaan ku dhaartay, nolosheyda ayaan ku dhaartay, waana oofin doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Natiijadii doorashadii dhacday 28-kii Luulyo waxaa si weyn u diiday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Brazil iyo Colombia, oo ah qaar ka mid ah dariska garabka bidix ee Venezuela.
Caleemo saarka lafteedu waxay ahayd arrin si adag loo xakameeyey. Inta badan warbaahinta Venezuela ee la ictiraafsan yahay looma ogola inay gudaha u gasho, sidoo kale wariyaasha ajnabiga ah looma ogola inay dalka galaan.
Maduro waxa u hadhsan xulafo yar oo ay ka mid yihiin Iran, China iyo Russia laakiin waxa uu ku sii go’doonsan yahay masraxa aduunka. Madaxweynayaasha Cuba iyo Nicaragua ayaa ahaa madaxda kaliya ee goobjoog ka ahaa caleema saarka.
62-jirkan ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday bishii July ee la soo dhaafay balse mucaaradka iyo dalal badan oo uu ku jiro Maraykanka ayaa diiday natiijada waxayna u aqoonsadeen musharraxa mucaaradka Edmundo González inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee la doortay.
González waxa uu ka cararay Venezuela bishii Sebtembar, waxa uu ku noolaa Spain, balse bishan waxa uu u baxay socdaal uu ku marayo qaaradda Ameerika, si uu taageero caalami ah ugu helo.
Xukuumadda Maduro ayaa soo saartay amar lagu soo xidhayo, iyada oo siinaysa $100,000 (£81,755) abaal-marin ah ciddii keenta xog horseeda xadhigiisa.
Waxa ay ku soo beegantay xilli Maduro uu ku dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee bishii July Golaha Qaranka ee Doorashooyinka Venezuela (CNE), kaas oo si dhaw ula socda dawladda.
Machado, oo González uu ku beddelay warqadda codbixinta ka dib markii laga mamnuucay in ay iskeed isu maamusho, ayaa sidoo kale la beegsaday. Waxay dhuumatay wax yar ka dib doorashadii lagu murmay, waxaana markii ugu dambeysay lagu arkay meel fagaare ah bishii Agoosto ka hor isu soo baxa Khamiista.