Xubinta koowaad ee barnaamijka caafimaadka todobaadkan waxa aynu ku faaqidi doonaa kormeerka wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Awdal, kaasi oo uu booqday Cisbitaalka Boorama oo uu kormeeray qaybihiisa kala duwan.
Xubintan ayaa waxa aynu ku soo bandhigayanaa goobaha uu booqday wasiirku ay kulanka uu la yeeshay qaar ka mid ah bukaanada ku jira cisbitaalka Boorama
Haddaba Booqashada wasiirka caafimaadka ee Cisbitaalka Boorama ayaa ahayd u kuur-galida xaaladda shaqo ee cisbitaalka, sidoo kalena waxa uu wasiirku booqday qaar kamid ah bukaanada uu adeega caafimaad u fidiyay cisbitaalka Boorama.
Kormeerka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ee Cusbitaala guud ee magaalada Borama.
Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Xuseen Bashiir Xirsi iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo kusoo gaadhay magaaladda Borama ayaa galabta kormeer iyo indho indhayn ku soo maray qaybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee Borama.
Kormeerkan ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda Wasaaradda, la taliyayaal iyo saraakiil kale.
Waftiga ayaa waxaa cusbitaalka kusoo dhaweeyey maamulka caafimaadka Gobolka oo uu hor kacayo isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Awdal iyo Agaasimaha cisbitaalka guud ee Borama, iyaga oo waftiga wasiirka mid mid usoo tusay qaybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee Borama, qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay iyo shaqadda baaxada leh ee ka socota cusbitaalka.
Intaa kadib wasiirka ayaa u duceeyey dadkii uu kula kulmay cisbitaalka ee adeega caafimaad u soo doontay, isagoo shaqaalaha caafimaadka ee cisbitaalka iyo maamulkoodana ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshadooda kulana dardaarmay inay sii laba jibaaraan isla markaana sii kordhiyaan dadaalooda, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu masuulkii u sareeyey yahayna marwalba garab taagantahay.