Talo ku Socota Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL”

0
18

Sh. Axmed Nuur Saleebaan (Sama fale).

Asalaamu Calaykum. Waxa jira Nin sheegta Daaci Saalax oo ku gefa Haweenkeena sharafta leh iyo Hooyooyinkeena, waxa uu ninkaasi warbaahinta ku cambaareeyaa Hooyooyinkeena iyo Haweenkeena sharafta iyo xuquuqda inagu leh, waxaanu yidhaahdaa “Hooyadaa in aad dhunkato waa dhaqan xumo, qofka Hooyadii dhunkadaa ama Xajka geeyaa waxa uu hayaa shaqadii Aabihii, qofka walaashii dhunkadaa waxa uu hayaa shaqadii Seedigii”, hadaba Ninkaasi waxa uu u ban baxay Aflagaadaynta hooyooyinka Sharafta leh, waxaana uu faafinayaa afkaaro dhaqan xumo ah.

Hadaba waxaan ka codsanayaa madaxda wasaarada Diinta iyo Awqaafta in ay Ninkaa soo qabato, oo hadii uu xannuunsanayo oo uu yahay Dhimirka in la geeyo cisbitaalka guud ee Hargeysa qaybta Dhimirka, haddii uu yahay qof afkaar loo soo dhiibayna ummada laga qabto.

Haddii xaqa la iska daboolo oo dulmiga laysugu gargaaro waa ayaan daro, hadaba hadii aynu nahay ummad muslim ah wixii xun aynu iska qabano si wada jir ah, warbaahinta waraysanaysa Ilaahay ha ka baqaan oo haysa daayaan fikirka xun ee ay ka faafinayaan ninkan. Waa fikrado inagu cusub dhaqan xumo ah. Waxa kale oo ninkaas laga hayaa inuu yidhi “Hooyaday gurigayga ma soo geli karto, ilaa ay xaaskayga fasax ka qaadato mooyee”, waxa adeegsada nidaamkaa dadyowga aan Islaamka ahayn.

Alla Mahad leh.

Sh. Axmed Nuur Saleebaan(Sama fale).