Madaxweynaha JSL oo Kormeeray Talisyada Ciidamada Socdaalka Xeebaha iyo Dab-damiska…

0
23

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay xarumaa taliska ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, taliska guud ee ciidamada Laanta Socdaalka iyo taliska guud ee ciidamada Dab-damiska qaranka Somaliland, waxaana madaxweynaha iyo xubnihii la socday halkaasi ku soo dhaweeyay taliyayaasha iyo saraakiisha ugu sarraysa ee ciidamada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ujeedada kormeerkiisani waxay daaranayd u kuurgalista iyo xogogaal u noqoshada duruufaha iyo xaaladaha kala duwan ee Ciidamada dalka oo dhan iyo bud-dhigga hawlaha dib u habaynta iyo casriyeynta ciidamada kala duwan, taas oo ka mid ah bilawga qorshayaasha xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ugu horrayn kormeer shaqo ku tagay taliska ciidanka Ilaalada ciidanka Xeebaha Somaliland ee gudaha caasimadda Hargeysa. Madaxweynaha waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha sarreeye guuto Axmed Hurre Haarriye iyo saraakiil sar sare, waxaanu, salaan sharaf ka qaatay cutub katirsan ciidanka ilaalada xeebaha.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ciidanka ilaalada xeebaha u jeediyey khudbad la xidhiidha muhiimadda Badda iyo sida ay Jamhuuriyadda Somaliland uga go’an tahay inay amniga baddeeda muhiimad weyn siiso, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kormeerkaygani sida uu daarran yahay waa xog-ogaal u noqoshada duruufaha iyo xaaladaha kala duwan ee Ciidanka oo dhan, iyo bud-dhigga hawlaha dib u habaynta iyo casriyeynta ciidamada kala duwan ee ay xukuumaddu qorsheysay bilowgeeda.”

Madaxweynuhu waxa uu ka marag kacay shaqada naf-hurka leh ee ay bulshadooda u hayaan, isaga oo ballanqaaday inay hirgelin doonaan wax kasta oo ciidanka lagu horumarinayo, “Waxa aan qirayaa shaqada naf-hurka u baahan ee aad u haysaan qarankeenna. Xukuumad ahaanna waxaa naga go’an in aannu horumarinno tababarkiina, aqoontiinna, iyo qalabkiinnaba, annaga oo la kaashanayna saaxiibbadeenna caalamiga ah.

Sida oo kale waxa aannu kor u qaadi doonnaa noloshiinna, iyo daryeelka aad ka helaysaan qarankiinna,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay Somaliland kamid tahay mulkiilayaasha Badda Cas, xaqna u leedahay inay ra’yigeeda ka dhiibato miiska lagaga tashanayo arrimaha la xidhiidha amniga Badda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi “Dalalka Badda Cas, dawladaha kulaalaya iyo quwadaha dunida ee danaynayaba, waxa aannu xasuusinaynaa in Somaliland ay ka mid tahay mulkiilayaasha ugu muhimsan Badda Cas. Sidaas awgeed, aqoonsi la’aanta Somaliland, xalaal kama dhigayso in la innaga reebo arrimaha khuseeya Badda Cas iyo amnigeeda.”

Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey ciidamada Ilaalada xeebaha iyo taliyeyaashooda, waxana kormeerka ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, maayarka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu kormeer shaqo ku soo maray taliska ciidanka laanta Socdaalka ee gudaha caasimadda Hargeysa. Waxaana Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka laanta socdaalka sarreeye guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo saraakiil kale oo tirsan ciidanka, waxaanuu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka laanta socdaalka, isaga oo kormeeray dhismaha iyo goobaha shaqada ee talisku ka kooban yahay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sharraxay shaqooyinka muhiimka ah ee ay ciidanka laanta socdaalku qaranka u hayaan iyo masuuliyadda culus ee saaran, waxana uu yidhi “Waxa aad ka mas’uul ka tihiin la socoshada dhaqdhaqaaqyada xuduudaha dalka. Waxa aad ka masuul tihiin soo saarista, hubinta iyo laalista dal-ku-galka, Baasaboorrada iyo dhukumantiyada socdaalka la xidhiidhka. Shaqooyinka kale ee aan looga maarmayn laanta socdaalka waxaa ka mid ah, ilaalinta ammaanka xuduudaha iyo ka hortagga isu-socodka sharci-darrada ah, iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta ee kaydkeeda ku jirta.”

Madaxweynuhu waxa uu ka marag kacay haykalka ciidannimo iyo firfircoonidda ka muuuqata ciidanka laanta socdaalka iyo dareenka ay ka madaxweyne ahaan taasi ku beertay, “Aragtidii koowaadba wejiyadiinnu waxa ay igu beereen dareen firfircooni ah, niyadwanaag, iyo ruux dhalinyaronimo. Waxaa ka muuqda da’ yaraan, xirfad, aqoon sarreysa, iyo karti aad ku gudan kartaan shaqada Qaranka.” Ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu dambayntii, madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa uu bogaadiyey shaqada ay ciidanka laanta socdaalku u hayaan bulshadooda iyo dedaalka waddaniyadeed ee ay wadaan, waxana kormeerkiisa ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gaashaandhigga, maayarka caasimadda, badhasabaabka gobolka Maroodi-jeex iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada dalka

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa kale oo uu Kormeerkiisi shalay ku tagay xarunta taliska guud ee Ciidanka Dabdamiska, xaruntooda magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen taliyaha guud ee ciidanka Dab-demaiska Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo saraakiisha ugu sarsaraysa ee ciidanka dab-damiska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu u kuur-gaklay qaabka ay u shaqeeyaan iyo xaaladah ciidanka, iyo waliba hawlgaladas naf-hurnimada ah ee ay qarankooda iyo bulshadoodu ugu adeegaan, habeen iyo maalin ba.