Madaxweynaha oo Sheegay in JSL ay ka Mid Tahay Mulkiilayaasha ugu Muhiimsan ee Badda Cas

0
24

“Somaliland xaq bay u leedahay in ay ra’yigeeda ka dhiibato miiska lagaga tashanayo arrimaha Amniga Badda Cas”

 “Somaliland waxay awood u leedahay Gacanka Cadmeed oo ah afaafka Badda-cas laga galo, sidaas awgeed..” Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (Dawan) Madaxwynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa u sheegay waddamada beesha caalamka iyo dadalka du teedsan Badda Cas in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay mulkiilayaasha ugu muhiimsan ee Badda Cas, isla markaana ay mudantahay in lagala tashado arrimaha la xidhiidha.

Sidoo kale Madaxwynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in dawladda Somaliland ay xaq u leedahay in ay ra’yigeeda ka dhiibato miiska lagaga tashanayo arrimaha la xidhiidha amniga Badda Cas.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dalalka Badda Cas, Dowladaha kulaalaya iyo quwadaha Dunida ee danaynaya ba, waxa aannu xasuusinaynaa in Somaliland ay ka mid tahay mulkiilayaasha ugu muhimsan ee Badda Cas, waxay awood u leedahay Gacanka Cadmeed oo ah afaafka Badda-cas laga galo, sidaas awgeed, aqoonsi la’aanta Somaliland, xalaal kama dhigayso in laga reebo arrimaha khuseeya amnigeeda.”

Madaxwynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay dawlad xil-kas ah una diyaarsan in ay kaalinteeda ka qaadato kor u qaadista ammaanka Badda Cas, waxaanu yidhi “Waxaanu nahay dowlad xilkas ah oo u diyaarsan inay kaalinteeda ka qaadato, daneeyayaasha kalena ay kala shaqeyso kor u qaadista ammaanka Badda-cas.

Maanta Dunidu way isku xidhan tahay, waxaana isku xidhana Badaha, markaa badda in aynu sugno ammaankeeda, adkeynta nabadgelyadeeda, isu-socodka iyo La-dagaalka danbiyada, adduunkana iska kaashano waa arrin mihiima.

Waxaanu sii xoojin doona ilaalinta ciidamada xeebaha Somaliland, si ay kaalin mugleh uga qaataan dadaalada heer gobol iyo heer caalami, sugida ammaanka Gacanka Cadmeed iyo Badda-cas.”

Madaxweynaha Qaranka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, sidoo kale waxa uu tilmaamay in xukuumad ahaan ay soo dhaweynayaan heshiiska xabad-joojinta ah ee Qasa, waxaanu hoosta ka xarriiqey in colaada ka taagan Badda-cas iyo ammaankeedaba ay wax weyn ka tarayso. Waxaanu Madaxweynuhu sidaas ka sheegay khudbad uu shalay u jeediyay ciidanka ilaalada xeebaha oo uu kormeer ugu tagey.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland waxa uu bogaadiyay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, hawsha naf-hurnimada ah ee ay u hayaan qarankooda, waxaanu tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay tayeynta iyo horumarintooda, waxaanu yidhi. “Waxaan qirayaa shaqada naf-hurnimada leh ee aad Qaranka u haysaan, xukuumad ahaan waxa naga go’an in aannu horumarino tabbabarkiina, aqoontiina iyo qalabkiinaba, anaga oo la kaashanayna awoodayada dhaqaale iyo dalalka aanu saaxiibka nahayba”

Madaxweynaha Qaranka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay ka xukuumad ahaan inay soo dhaweynayaan heshiiska Qasa, waxaanu hoosta ka xariiqey in colaadda ka taagan Badda-cas iyo ammaankeedaba ay arrintaasi wax weyn ka tarayso. Waxaanu yidhi. “Waan soo dhaweynayaa heshiiska Qasa, oo colaadda ka taagan Badda-cas iyo ammaankeedaba wax ka taraya, sababta oo ah Badda colaadda ka socotay saameyn weyn ayay innagu yeelatay, dhaqaalaheena, qiimaha badeecadaha, iyo waxyaabahaasi oo dhan”.