Qore C/wahaab Daahir Xasan
Gabilay (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mudane Axmed Yoonis Axmed ayaa kormeer ku tagay magaalada Gabilay ee Xarunta Gobolka Gabilay, waxan magaalada Gabilay ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Maamed Cabdilaahi Bookh intaasi ka dib waftiga uu hogaaminayey wasiirku iyo masuuliyinta ugu saraysa gobolka Gabilay ayaa kor meer ku tagay xabsiga dhexe ee gabilay isla markaasina soo komeeray maxaabiista halkaasi ku xidhan.
Taliyaha cidanka Asluubta ayaa markii u wasiirku gaadhay xabsiga ka siiyey warbixin taasi oo ku saabsanayd qaybaha xabsigu ka kooban yahay iyo xaalada maxaabiixta ku xidhan, waxana uu taliyuhu shaagay in xabsiga Gabilay uu ka kooban yahay laba qaybood. “Mudane wasiir xabsigu waxa uu ka kooban yahay laba qaybood mid dhismihii hore ah oo ka kooban sagaal qol oo ragu ku jiraan iyo dhismaha cusub oo dumarka ah kaasi oo ka kooban lix qol ah iyo laba qol oo anu ku darnay oo noqonaysa isku gayntooda sided qol tirada guudna ay tahay 17 qol guud ahaan”
Waxa kale o taliyuhu intaasi kuray in ciidanka ka hawlgala xabsiga ay tiradoodu dhan tahay 98 askari halka tirada baxaabiista ku xadhan xabsiga ay tahay 224 laba boqol iyo afar iyo labaatan maxbuus kuwaasi oo iskugu jira haween iyo rag isla markaasina kala ah 41 dumar ah halka 183 ay rag yihiin, waxa uu sidoo kale xusay in tirada maxaabiistu ay intan ka badnaayeen taasi 93 ka mid ahaa maxaabiista ay ku baxeeen cafiskii u dhawaan madawaynaha somaliland uu u fidiyey maxaabiista bil ka hor.
Geesta kale Wasiirka Wasaarada Cadaalada oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey u jeedada safarkodu daaran yahay kaasi oo sida wasiirku sheegay ahaa u kuurgalida xaalada maxaabiista ju xidhan xabsiyada dalka iyo sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen taasi oo ay safarkoodii koobaad na ay ka bilaabeen xabsiga way nee ku yaal gobolka Gabilay.
Waxa kale oo uu xusay in ay booqon doonaan dhamaan xabsiyada kala duwan ee ku yaal gobolada dalka isla markaana ay u kuur galidoonaan xaaladaha dhabta ah een ka jira iyo sidii ay indhahoda ugu soo arki lahaayeen xaaladaha maxaabiista ku jira xabsiyada dhinacyada nolosha, caafimaadka waxana u hoostab ka wasiirku ka xariiqay in ay ka dhabayn doonaan hadalkii madaxwaynaha somaliland ku balan qaaday in maxaabiista ku jira xabsiyada dalku ay heli doonaan wax barasho taasi oo aqoonta maxaabiista kor loogu qaadayo waasida uu hadalka u dhigaye.
Gabagabdii waxa iyaguna halkaasi ka hadlay isla markaana soo dhaweeyey wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayo wasiirku Gudoomiyaha gobolkan gabilay, Maayerka degamda Gabilay iyo xildhibaano, waxana ay dhamaatood hadalo isku mid ah ku soo dhaween wasiirka iyo waftigisa.