Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XERM/249-044 /012025 ku soo saarey Kordhinta Mushaharka Ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu sheegay in sannad miisaaniyadeed kasta mushaharka joogtada ah ee ciidamada loo kordhin doono (50%) muddo xileedka koowaad ee Xukuumadda, iyada oo laga duulayo Mushaharka joogtada ahaa sannad miisaaniyadeedkii 2024-ka.
Geesta kale waxa uu sheegay in dhammaan ciidamada Qaranka lagu sameyn doono diwaangelinta bu’da isha ah, muddo bil gudaheed ah, isla markaana ay ka bilaabmeysa 01-02-2025.
Mushahar kordhintan ayaa xilligii ololaha doorashada uu madaxweynaha ka mid ahayd balanqaadyadiisi, waxaaney noqoneysa tallaabo wax weyn ka tarta daryeelka iyo mooraal-dhiska ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Warkan ka soo baxay xafiiska aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo soo gaadhay xafiiska warqadbadka Wargeyska Dawan, ayaa u dhigneyd sidan.
“Xeer Madaxweyne Lar.02/0120205.
Kordhinta mushaharka ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii aan arkay Qoddobka 90aad faqraddiisa 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
Markii aan arkay : Qodobka 123aad iyo Qodobka 124-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
Markii aan arkay : Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyahay, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland
Markii aan ku qancay : Muhiimadda ay leedahay in Ciidammada Qaranku ay helaan mushahar joogto ah oo ku filnaan kara;
Markii aan go’aansday : In aan fuliyo Ballan-qaadkaygii ahaa kordhinta Mushaharka joogtada ah ee Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan soo saaray
- In aan kordhiyo Mushaharka joogtada ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo sannadkan 2025-ka.
- In sannad miisaaniyadeed kasta Ciidammada kala duwan ee Qaranka loo kordhiyo Mushaharka joogtada ah xaddi dhan (50%) muddo xileedka koowaad ee Xukuumadda, iyada oo laga duulayo Mushaharka joogtada ahaa sannad miisaaniyadeedkii 2024-ka.
- In lagu sameeyo diiwaangelinta bu’da (IRIS Biometric Registration) dhammaan Ciidammada kala duwan ee Qaranka muddo soddon (30) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa 01-02-2025.
- In mushahar kordhinta Ciidammada kala duwan ee Qaranku ka bilaabanto marka la soo dhammeeyo diiwaangelinta iyo tiro koobka Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”