Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa shalay wareegto madaxweyne ku magacaabay Masuulyiinta Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu Maxamed Faarax Cabdi Nuur in uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland, halka Maxamed Cabdalle Xuseen Xasan na loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wareegtada madaxweynaha Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa ay u dhignayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-046 /012025 uu ku magacaabay Masuulyiinta Hay’adda Horumarinta Waddooyinka
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐭𝐢𝐱𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐞𝐲:Ahmiyadda ay Hay’adda Horumarinta Waddooyinku u leedahay dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo horumarka dalka.
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐜𝐚𝐲: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲: La-tashi;
𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚;
- In Maxamed Faarax Cabdi Nuur uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Maxamed Cabdalle Xuseen Xasan ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱 𝗟𝗲𝗵
𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 (𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼)
𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱”