Taallada uu u taagan yahay sahamiyihii Isbaanishka ee Francisco Pizarro ayaa dib looga taagay badhtamaha caasimadda Peru ee Lima, kadib markii laga dumiyey in ka badan 20 sano ka hor. Muuqaalka taalladan oo ah Nin faras fuushay oo seef iyo dirays ciidan wata ayaa lagu soo bandhigay munaasabadii lagu xusayay sanadguuradii 490-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay magaalada Lima.
Pizarro wuxuu aasaasay Lima 1535 ka dib markii uu ka adkaaday Boqortooyada Inca. Hogaamiyayaasha asaliga ah ayaa sheegay in uu ahaa gacan ku dhiigle burburiyay dhaqankooda, halka kuwa taageersan soo celinta taallada ay sheegeen in aanay Peru tirtirayn taariikhdeeda.
Taalladan, waxaa sameeyay sawir-qaadaha Maraykanka Charles Rumsey, waxaana u soo bandhigtay haweenaydii uu ka dhintay xuska qarnigii afraad ee magaalada 1935-kii.
Sannadkii 2003dii, waxa loo raray jardiino u dhow xarunta tareennada oo ka baxsan badhtamaha magaalada ka dib markii lagu baaqay in la dumiyo.
Luis Bogdanovich, oo mas’uul ka ahaa soo celinta xaruntan taariikhiga ah, ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in taallada ay waxyeello ka soo gaadhay tareennada joogtada ah ee marayey, taas oo sababtay in ay dil-dillaacdo.
Rafael López Aliaga, duqa magaalada Lima, iyo Isabel Díaz Ayuso, oo ah madaxweynaha bulshada Madrid, ayaa soo bandhigay taallada naxaasta ah Sabtidii ayaa laga taagay fagaaraha weyn ee Lima, Plaza de Armas.
Díaz Ayuso waxa uu sheegay in xafladani ay tahay mid lagu xusayo “ma aha oo kaliya dhalashada magaalo, laakiin sidoo kale bilawga kulan taariikhi ah oo waligiis bedelay adduunka”, sidaas waxaa sheegay wargeyska maalinlaha ah ee Isbaanishka El Pais.
Daraasiin reer Peru ah ayaa meel u dhow ku qabtay mudaaharaad ay uga soo horjeedaan soo laabashadiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
“Tani waa gef, gef ku ah dhammaan dadka asaliga ah ee Peru, Latin America iyo adduunka,” hal qof ayaa yidhi.