Tirada dadka Shiinaha oo hoos u dhacaday sanadkii saddexaad oo isku xigta

0
21

Dadka Shiinaha ayaa hoos u dhacay sannadkii 2024, waana sannadkii saddexaad oo isku xigta, shiinaha ayaa sidaa sheegay Jimcihii, taas oo farta ku fiiqday caqabado dheeraad ah oo xagga tirada dadka ka haysta waddanka labaad ee ugu dadka badan adduunka, kaas oo hadda wajahaya laba cabadood oo ka haysata dadka da’da ah iyo yaraanta dadka shaqaynaya.

Dadka Shiinaha ayaa dhammaadkii 2024-kii  ku joogsaday 1.408 bilyan, isaga oo hoos u dhacay 1.39 milyan marka loo eego sannadkii hore.

Tira koobyada ay xukuumadda Beijing ku dhawaaqday ayaa daba socota isbeddellada tirada dadka adduunka oo dhan, waxaana u sii daran Bariga Aasiya, halkaas oo Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo waddamo kale ay arkeen heerarkooda dhalashada oo hoos u dhacay. Shiinaha ayaa saddex sano ka hor ku biiray Japan iyo inta badan dalal bariga Yurub ah oo ka mid ah wadamada dadkoodu hoos u sii dhacayo.

Sababaha dhalmo yaraanta ayey ku sababeeyaan: Sare u kaca qiimaha maciishada oo sababa in dhalinyaradu ay joojiyaan guurka iyo dhalmada iyaga oo raadinaya waxbarasho sare iyo xirfado. In kasta oo dadku ay cimri dheer yihiin, taasi kuma filna inay la socdaan heerka dhalmada cusub.

Wadanka Shiinaha oo aan socdaalka u ogolayn dadkiisa ayaa si gaar ah khatar ugu jira.

Shiinuhu waxa uu muddo dheer ka mid ahaa dalalka ugu dadka badan adduunka, waxa uu u adkaysan jiray duullaannada, daadadka iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah waxaana uu sii waday taranta dadkii ku nool bariiska oo dhinaca koonfurta ah iyo sarreenka oo waqooyiga ah.

Hadda, in ka badan shan meelood meel dadweynaha Shiinaha ayaa da’doodu tahay 60 ama ka weyn, iyada oo tirada rasmiga ah lagu sheegay dadkaa ay yihiin 310.3 milyan ama 22% tirada guud ee dadweynaha. Marka la gaadho 2035, tiradan ayaa la saadaalinayaa inay kor u dhaafeyso 30%, taas oo dhalisay dood ku saabsan isbeddelada da’da hawlgabka rasmiga ah , taas oo ah mid ka mid ah kuwa ugu hooseeya adduunka. Iyada oo ay ardaydu yar yihiin, dugsiyadu bannaan yihiin qaarkood iyo xanaanooyinka oo loo beddelay xarumaha daryeelka dadka da’da ah.

Shiinaha oo hadda ah dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu weyn,  waxa ku socda laba arrimood wuxuu doonayaa inuu dhaqaalihiisu koro. Dadkiina da’diisa ayaa sii koraysa.

Dhiirrigelinta dawladda, oo ay ku jiraan bixinta lacagta caddaanka ah ee dhalmada ilaa saddex carruur ah iyo kaalmada dhaqaale ee kharashka guryaha, waxay yeesheen saameyn ku meel gaar ah.

Dhanka kale, Shiinuhu wuxuu sii waday u-guurka uu ugu wareegayo bulshada magaalada, iyada oo 10 milyan oo qof oo dheeraad ah ay u guureen magaalooyinka heerka magaalaynta 67%, taas oo ku dhow boqolkiiba boqol marka loo eego sannadkii hore.