Turkey: 76 Qof oo Ku Dhintay Dab ka Kacay Hotel Dalxiis

0
22

Turkiga ayaa xabsiga dhigay sagaal qof oo uu ku jiro mulkiilaha hoteelka, kuwaas oo lala xidhiidhinayo dab khasaare geystay oo galaaftay nolosha 76 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kaas oo ka dhacay goob lagu dalxiis tago oo ku taalla galbeedka Turkiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya horraantii Arbacada.

Yerlikaya ayaa sidoo kale sheegay in meydadka 45 dhibanayaal ah lagu wareejiyay qoysaskooda, iyada oo la baadhayo DNA-da si loo ogaado meydadka ku hadhay xarunta dambi baadhista.

Dabka ayaa ka dhacay Hotelka Grand Kartal oo ku yaala goobta loo dalxiis tago ee Kartalkaya ee buuraleyda Bolu.

Hoteelka uu dabku ka kacay ayaa Arbacadii warbixin laga soo saaray ku sheegay inay aad uga xun yihiin, wuxuuna ballan-qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan baadhitaanka.

“Waxaan kala shaqeyneynaa maamulka si aan u iftiimino dhammaan dhinacyada dhacdadan,” ayaa lagu yidhi bayaanka. “Aad ayaan uga xunahay khasaaraha, waxaanan rabnaa inaad ogaato inaan xanuunkan la wadaagno dhammaan qalbiyadayada.”

Hoteelka oo ka kooban 12 dabaq, oo ay ku sugnaayeen 238 qof oo marti ah, ayaa waxaa uu ku basbeelay olol ka dib markii uu dabku ka kacay dabaqa maqaayadda abbaare 3:30 subaxnimo ee xilliga geeska Afrika. Dadkii badbaaday ayaa ka sheekeeyay muuqaalo argagax leh markii ay ku carareen waddooyin qiiq ka buuxo oo daaqadaha ka booday si ay u baxsadaan.

Maamulka ayaa wajahaya dhaleeceyn isa soo tareysa oo ku aadan talaabooyinka badqabka hotelka, iyada oo dadkii ka badbaaday ay sheegeen in wax dab damis ah aanu dhicin intii uu shilku socday. Martidu waxay yidhaahdeen waa inay maraan dariiqyada qiiqu ka buuxo gudcur madow.

Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in lix xeer ilaaliye loo qoondeeyay inay baadhaan dabka. Waxa kale oo goobta tegay Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha iyo Dhaqanka.

Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay Arbacadii shalay maalin baroor diiq qaran ah ka dib musiibadan, taasi oo dhacday xilli lagu guda jiro xilliga dalxiiska ee jiilaalka, iyada oo qoysas badan oo ka kala yimid Istanbul iyo Ankara ay u safreen buuraha Bolu si ay ugu raaxaystaan.