Qore C/wahaab Daahir Xasan
Burco (Dawan) Wasiirka wasaarada waxbarashadda Barbaarinta iyo Sayniska Ismaaciil Ducaale Yuusuf wasiirka horumarinta Biyaha iyo wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa soo kormeeray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyay dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Burco.
Waxa wasiirka waxbarashada barbaarinta iyo sayniska iyo waftigiisa warbxin ka siiyey qaybaha iyo qaabka ay shaqadu uga socto dugsiga warbixin ka siiyey isla markaana qayb qayb ugu sharaxay maamulaha dugsiga farsamada gacanta ee magaalada burco.
Waxanu sharaxaad ka siiyey qaabka ay ardayada dhigata barshamada fasamada gacanta loogu tababaro baabuurta iyo qaybihiisa kala duwan sidoo kalena loogu tababaro qaab tooska ay ee ardaydu marka ay casharada qaadanayaan loo siiyo casharada iyo dhamaanba qaybaha baabuurta sida ay u shaqeeyaan, si loo helo isla markaasina loo soo saaro arday marka uu dhamaysto barashada farsama gacanta anfaca naftiisa iyo guud ahaan qaranka Somaliland.
Waxa kale oo ay wafigu indhahooda ku soo arkeen beer nooca casriga ah oo ay tacabwayn galiyeen maamulka, shaqaalaha iyo Ardayda waxka barata dugsiga faramada gacantu oo ay ku yaalaan khudaarta loo yaqaan tamaandhada, taasu oo sida maamulaha dugsigu uu sheegay gobolku qani ku yahay ciid ku haboon wax beerista iyo sidoo kale biyaha ujeedaduna tahay baahida ay u qabaad dadku dhinaca beeraha taas oo lagu tababaro dhinaca beeraha ay qayb wayn ka qaadnayso amniga cuntada qaranka.
Geesta kale waxa halkaasi hadal kooban ka jeediyey Agaasimaha waaxda farsamada gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada barbaarinta iyo sayniska Somaliland oo halkaasi ka kadlay ayaa sheegay in dhamaan gudaha somaliland ay ku yaalaan Lix iskuul ah kuwa lagu barto farsamada gacanta isla markaana ay yihiin dhamaantood bilaash oo aan ardayda wax lacag ah laga qaadin, waxa kale oo uu tilmaamay in aanay dadku imaanay iskuulada lagu barto farsamada gacanta taas badalkeedana ay galaan ama ay dhigtaan sikuulada lagu barto waxbarashada caadiga ah marka uu dhameeyana aan lahayn xirfad uu ku shaqo tago isla markaana ay tahay caqabad jirto oo u baahan in la fahansiiyo faa’iidada ay leedaha barashada fasamada gacantu.
Waxa kale oo uu xusay in ay jirtay caqabad labaad oo ah dhinaca macalimiinta dhigta waxbarashada farsamada gacanta oo dadka yaqaan ama macalimiinta aqoontaas lihi ay yaraayeen iyo sidoo kale dhinaca dhaqaalaha taasina ay hada meesha ka sii baxayso isla markaasina ay ay meel wanaagsan uu hada dugsiga barashada farsamada gacantu uu meel wanaagsan marayo.
Gabagabadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada barbaarinta iyo sayniska Somaliland mudane Ismaciil Ducaale Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa shaagey in xukuumada cusub ee madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu gadhwadeenka ka yahay ay muhiimada ugu horaysa ee dhinaca waxbarashada ay awooda saarayso barashada fasamada gacanta iyo sidii loo horumarin lahaa iskuulada lagu barto farsamada gacanta isla markaana ka wasaarad ahaan ay u dajiyeen qorshayaal lagu horumarinayo iskuulada fasamada gacanta iyo sidii looga maarmi lahaa cid kale oo dibada laga keeno dalkuna u yeelan isku filaasho dhinaca fasamada gacanta loona soosaari lahaa dad farsama yaqaano ah. Waxa kale oo sheegay wasiirku in qorshohoodu yahay helida iyo soo saarista farsama yaqaanada baabuurta sameeya, kuwa dhismaha guryaha, Nijaarada, iyo beeraha.