Suldan Maxamed Al-Fatax wuxu ahaa hogaamiyihii dawladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga qarinigii 15aad , waxaana dhinaca Yurub ee casrigii fufka looga yaqaana magaca Maxamet II. Waa suldaankii todobaad ee xukunka Cusmaaniyiinta qabta, waxaana lagu naanays jiray “ Faatax” oo loola jeedo dhulkii faraha badanaa ee ay furteen ciidamadii Muslimiinta ahaa.
Suldaan Maxamed isagoo 8 sano jiray ayuu maqlay xadiiska Rasuulka (scw) ee ah “ Inuu soo bixi doono Amiir ka mid ah kuwa ugu fadliga badan amiirada dunida, oo uu furan doono Qisdandiiniya, isla markaana uu ku soo kordhin doono dawladda muslinka ah. Furitaankani uu noqon doono mid dhacaya doona Aakhir sebenka ka hor inta aanu soo bixin dajaal Cawar”. Waxa weriyay Axmed Binu Xanbal xadiis No: 18189.
Suldaanku wuxu markasta ku fikiri jiray sidii uu u noqon lahaa hogaamiyaha ciidanka furanaya Qisdandiniya. Sheekhiisa Shamsudiin aya arinkaasi ka caawiyay. Waxa uu bartay dhamaan culuumta ciidamada milateriga iyo xeeladaha difaaca, weerarka iyo qorshaynta farsamooyinka dagaalka, waxa kale oo uu si weyn u bartay culuumta diinta islaamka.
Suldaan Maxamed Al-Fatax markii uu 23 sano jiray ayuu noqday hogaamiyaha ciidankii furtay Qisdandiiniya oo ay xukumi jirtay boqortooyadii Bisindiya ee Kiristaanka ahayd, isla wakhtigaasina waxa lagu soo daray xukunkii dawladii Islaamka ahayd. Qisidandiiniya waxay kow iyo toban Qarni ahayd boqortooyo xoog leh waxaana soo gebagebeyay ciidanka suldaanku hogaaminayay.
Taariikhda yahanada ayaa furashadaasi ka dhigay inay ahayd dhamaadkii casriyadii dhexe iyo bilwogii taariikhada casriga ah. Muddo 30 sano oo Suldan Maxamed uu xukunka Cusmaayinta hayay wuxu furtay dhul baladhan isagoo Yurub gaadhay magaalada Belgard. Suldan Maxamed Faatax wuxu lahaa aqoon saqaafadeed aad u saraysa ah waxaana uu ku hadli jiray 7 toddoba luqadood oo kala ah Turki, Faransiis, Giriig, Serbiya, Iran, Carabi iyo Luqadda Yuhuudda.
Hami kasta oo kugu soo dhaca waxaad kaga dhabayn kartaa ficil, laakiin ma jiro waxaan aan la gaadhi Karin ama la fulin Karin.