Wasaaradda Qorshaynta iyo Hay’ada UNICEF oo ka Wada Hadlay Xoojinta xidhiidhka Labada Dhinac

0
35

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa shalay kulan muhiim ah la yeeshay madaxa xafiiska UNICEF ee Somaliland Dr. Tedla Damte.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaaradda Qorshaynta ayaa mudadii uu socday diirada lagu saaray xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan UNICEF iyo dawlada Somaliland.

Intii uu kulanku socday, wasiirka ayaa Madaxa Xafiiska UNICEF faahfaahin ka siisay qorshaha horumarineed ee xukuumadda cusub ee la xidhiidha wada shaqaynta hay’addaha caalamiga ah.

Sidoo kale wariisku waxay sheegtay inay muhiim tahay in mashaariicda UNICEF lagu saleeyo baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada Somaliland, si loo xaqiijiyo horumar waara oo wax ka beddela nolosha adeeg-bixinta bulshada..

Marwo Kaltuun ayaa si gaar ah u tilmaantay in UNICEF ay door muhiim ah ka qaadan karto kor u qaadista adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo daryeelka carruurta, waxaney xustay in ka wasaarad ahaan ka go’an tahay in wada shaqeynta labada dhinac ay noqoto mid wax ku ool ah oo ku saleysan isfaham iyo hufnaan.

Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa isna sheegay in wasaaradda ay diyaar u tahay inay la shaqeyso UNICEF si loo mideeyo dadaallada horumarineed, waxaanu ku adkeeyey in deeqaha iyo taageerada la heli karo loo adeegsan doono si waafaqsan mudnaanta Qorshaha horumarinta Qaranka, iyadoo diiradda la saarayo saameynta togan ee ay mashaariicdu ku yeeshaan bulshada, gaar ahaan carruurta iyo haweenka.

Madaxa Xafiiska UNICEF ee Somaliland Dr. Tedla Damte ayaa dhankiisa bogaadiyey sida hufan ee ay Wasaaraddu u qorshaynayso hirgelinta yoolalka horumarineed, waxaanu tilmaanay in UNICEF ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Somaliland, iyada oo diiradda lagu saarayo arrimaha aasaasiga ah ee bulshada, sida horumarinta waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo horumarinta deegaanka.

Gaba-gabadii Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-fahan buuxa iyo ballanqaad ku aaddan in wada shaqeynta labada dhinac la xoojiyo.

Waxaana la isla qaatay in la abuuro hannaan wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo in taageerada UNICEF si toos ah ugu adeego baahiyaha bulshada Somaliland.