Wasiirka Warfaafinta JSL oo Daah-furay Barnaamijka Madax-taabashada Shaqaalaha

0
39

Qore C/wahaan Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyada Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa daah furay nidaamka madax taabashada shaqaaalaha Wasaradda Warfaafinta kaasi oo shalay ka bilaabmay xarunta Wasaradda nidaamkan ayaa sida masuuliyiinta Wasaraddu shegeen socon doona muddo laba todobaad ah.

Wasiir Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka hadlay nidaamka madaxtaabashada shaqaalaha Wasaradda ayaa sheegay in u jeedada ugu wayni tahay sidii loo hubinlahaa shaqaalaha sida hagar la,aanta ah u gudta waajibaadka shaqadda ay qaranka u hayaan iyo kuwa aan ka soo xaadirin goobta shaqada iyo sidoo kale in aanay isku mid noqon shaqaale gutay waajibaadkii shaqada uu qaranka u hayey iyo kan googoyska ah ama aan ka soo xaadirin goobta shaqada sidoo kale mushaarka aanu shaqaysan fadhiga ku qaata.

“Qofkii shaqaynayey, ka aan shaqaynayn, ka shaqada ku wanaagsan,xirfad yaqaanka, dadka in aqoontooda lakala hubiyo, taasi waxay keenaysaa in shaaqalaha laftooda dayac ku jiray uu meesha ku jiray ka boxo” Wasiir Axmed Ayaasiin.

Waxa kale oo uu xusay in nidaamka madax taabasha aanay ka madhnayn sidii loo ogaan lahaa qiimaynta aqoonta shaqaalaha si loo ogaado heerka aqoonta iyo xirfada qofka shaaqalaha ah.”Nidaamkani waxa uu keenayaa in shaqaalaha dayac ku jiray dhexdooda uu ka baxo, oo xirfadahooda iyo aqoontooda la qiimayeeyo sidoo loo ogaado inta u baahan in aqoontooda iyo xifadooda kor loo qaado”

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta yaa sheegay in wax kasta oo aqoonta iyo xirfada shaqaaluhu u baahan yihiin ka soo bixi doono marka la dhameeyo madaxtaabshada shaqaale waynaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

Mar uu ka hadlayey Wasiirku waajibaadka shaqada qofka looga baahan yahay iyo sidoo kale qofka gudan waaya shaqada uu qaranka kaga mushaar kaato isla markaana digniin diraya ayaa waxa uu yidhi “Qofka isagu shaqaysan waaya ama maalinta madaxtaabashada uun baan imide maalin kale wasaaradda laygu arkimaayo leh cidna eersan mayo kaasi, waxa inoo soconaya Xaadiriska”

Wasiir Axmed Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay shardi tahay in la ogaado qofku shaqadda uu Wasaaradda ka qabto, saacadaha uu qabto, waaxda uu ka shaqeeyo iyo wakhtiga shaqadda uu soo gallo waxa uu hoosta ka xariiqay in aanay cadaalad ahayn in shaqaalaha qayb ka mid ahi shaqayso halka inta kale aanay shaqadaba ka soo xaadirin isla markaasi arinta noocaas ahi ay noqonayso mid ka baxsan dheelitirnaanta, cadaaladda, iyo dawlad wanaaga, u jeeda ugu way nee madax taabshadan laga leeyahay na ay tahay dardar galinta shaqadda ay Wasaaraddu qaranka u hayso si loo helo shaqa wanaaga Wasaaraddu hayso shaqaaluhu na ay yihiin cida muujinayso shaqa wanaaga Wasaaradda laga doonayo.

Waxa kale oo sheeagay in cabashooyinka soo gaadhay isla markaana shaqaalaha ka soo baxayey ay ahaayeen in shaqaalaha qabta shaqada ugu badan ugu hooseeyaan shaqaalaha “Cabashada ugu badan ee shaqaalaha naga soo gaadhaysay waxa weeye in shaqaalaha shaqada ugu badan qabtaa ka hooseeyaan kuwa maqan ama shaqaba qaban, markaa si ay waxaas oo dhani meesha uga baxaan oo aan qofna qof u tuhmin qof waliba ha ogaado wuxu shaqaystay uun in uu yeelanayo”

Geesta kale waxa isna halkaasi hadalo kooban ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Muuse Askar Guuleed, waxa uu sheegay in ka maamul ahaan aanay shaqaaluhu kala xigin una kala sokayn balse qofkasta oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda ay ku qiimayn doonaan shaqadiisa iyo sidan uu uga soo dhalaalo shaqada loodiray.

Gabagabadii waxa isna dhiniciisa ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Cabdisalaan waxa na uu sharaxaad ka bixiyey qaabka qaabka nidaamka madaxtaabashadu u dhacayso iyo sidoo kale nidaamka uu marayo qofka marka la hubinayo kaasi oo la marinayo qofka shaqaalaha Saddex qaybood kaasi oo kala ah, qaybta Cudduda shaqaalaha oo hubunaya magaca qofka shaqaalaha ah, xogtiisa, waxbarashadiisa, iyo wakhtiga uu galo shaqada. Nidaamka ka labaad oo uu marayo qofka shaqaalaha waaxda xisaabaadka isla markaana hubin doona rasmi ahaanshaha shaqaalaha iyo aybtan ugu dambaysa oo ah qaybta sawir qaadista.