Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ayaa Isniintii sheegay in madaxweynayaasha Rwanda iyo Congo ay isku afgarteen in ay ka qeybgalaan shir Arbacada ka dhacaya oo looga hadlayo arrimaha bariga Congo, halkaas oo fallaagada M23 ay sheegeen in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Goma ee ku taalla xadka Congo iyo Rwanda.
“Dhammaanteen waxaan ku heshiinay in hadda in ka badan sidii hore ay tahay arrinta jirtaa, ma aha kaliya dadka bariga DRC, laakiin gobolka oo dhan,” Ruto ayaa yidhi intii lagu jiray shir jaraa’id, “Xaaladda bariga DRC waxay hadda inaga dalbanaysaa in si wadajir ah in diiradda loo saaro.”
Qabsashada muuqata ee Goma, oo ah magaalo ay ku nool yihiin ilaa 2 milyan, ayaa dhalisay cabsi laga qabo rabshado hor leh iyo barakac ballaadhan. Wariye ku sugan magaalada Goma oo khadka taleefoonka kula hadlay VOA-da ayaa sheegay in dagaalku uu hadda ka socdo agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, wuxuuna sheegay in dagaalka uu u muuqdo mid sii xumaanaya. Intii uu hadlayay ayaa waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta, waxaana uu jaray khadkii si uu gabaad raadsado. Muddo sanado ah, Kongo ayaa si isdaba joog ah Rwanda ugu eedeysay inay taageerto fallaagada M23 – eedeymahaas Kigali waa uu diiday. Dowladda Congo ayaa Isniintii sheegtay in ciidamada dowladda Rwanda ay ku sugan yihiin magaalada Goma. Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay saraakiisha Kigali.
Xukuumadda Kongo “waxay sii waddaa inay ka shaqeyso sidii ay uga fogaan lahayd gumaadka iyo khasaaraha nafeed ee bini’aadamka,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay dowladda Patrick Muyaya oo Isniintii ku qoray X. Muyaya in dowladdu ay ku boorinayso dadka deggan Goma inay guryahooda ku jiraan oo ay ka waantoobaan bililiqada.
Afhayeenka M23 Lawrence Kanyuka ayaa VOA u sheegay in kooxda fallaagada ah ay la wareegeen magaalada dhamaadkii todobaadka ka dib dagaalo xoogan oo ay la galeen ciidamada dowlada Congo.
Rabshadaha ka socda magaalada hareeraheeda ayaa argagax ballaaran ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada iyo dadka barakacay, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay horay uga soo carareen rabshado ka dhacay deegaanada ku xeeran.
Mugunga oo ka mid ah xerooyinka ugu waaweyn ee ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku dhow magaalada Goma, ayaa waxaa ku soo badanaya
Wararku waxa ay sheegayaan in uu weli socdo dagaal qaraar oo u dhaxeeya M23 iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, oo loo yaqaano FARDC oo Faransiis ah.
Jimcihii, General Sylvain Ekenge, oo ah afhayeenka militariga Congo, ayaa ku dhawaaqay dhimashada barasaabka Waqooyiga Kivu, Major General Peter Cirimwami. Afhayeenku waxa uu warbaahinta dawladda ka sheegay in gavanaha uu “dhaawacmay oo loo daadgureeyay Kinshasa, halkaas oo lagu dadaalay in loo qaado dibadda si loo helo daryeel ku habboon. Nasiib darro, wuu u dhintay dhaawaciisii.”