Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley wafti balaaadhan oo ka socday Hay,adda Unicef.
Kulankan ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Samsam Maxamed Saalax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Axmed Maxamuud Jaamac, xubno ka mid ah Agaasime waaxdyadda Wasaaradda iyo madaxda Barnamijyadda, waftigan ka socday hay,adda Unicef, ayaa dhankooda waxaa goobjoog ahaa, masuuliyiin ka socday xafiiska Unicef ee Somaliland.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd is barasho iyo isxogwareysi ku ku saabsan mashaariicda caafimaadka ee ay iskaashaadaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda Unicef, sida oo kale intii uu kulankani socday, waxa lagaga wada hadley baahiyaha iyo qorsheyaasha Wasaaradda iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqeyneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda.
Masuuuliyiinta Wasaaradda ayaa soo dhaweeyey waftiga, isla markaasina xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee Hay,adda Unicef iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiiskiisa xafiiskiisa ku qaabiley wafti balaaadhan oo ka socday Hay,adda Save the Children
Kulankan ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Samsam Maxamed Saalax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Axmed Maxamuud Jaamac iyo xubno ka mid ah agaasime waaxdyadda Wasaaradda. waftigan ka socday hay,adda Save the children ayaa dhankooda waxaa goobjoog ahaa, masuuliyiinta sare oo ka socday xafiiska ay hayaddu ku leedahay magaalada Hargaysa ee Caasimada dalkan Jamhuuriyadda Somliland.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd is barasho iyo isxogwareysi ku aadan mashaariicda caafimaadka ee ay iskaashaadaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda Save the children, sida oo kale intii uu kulankani socday, waxa lagaga wada hadley baahiyaha iyo qorsheyaasha Wasaaradda iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqeyneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda.
Masuuuliyiinta Wasaaradda ayaa soo dhaweeyey waftiga, iyagoo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee Hay,adda Save the children iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.