Qore C/wahaab Daahir Xasan.
Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland,ayaa beenisay warar sheegayay in ciidankii illaalada u ahaa Madaxweynenihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi in laga qaaday oo xukuumaddu ka soo qaadday.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somliland Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle sandheere oo warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye sidoo kale na baraha bulshada lagu baahiyey kaas oo sheegayey in ciidankii ilaalada u ahaa Madaxwaynihii hore ee Somaliland Muuse biixi Cabdi gabi ahaanba laga soo qaadaday kadib amar ay bixisay xukuumadu.
Wasiir Cabdalle Sandheere ayaa waxba ka jiraan aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay arinkaa sheegaya in ciidankii laga qaaday madaxwayne hore Biixi isla markaana aanay jirin amar ka soo baxay Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro iyo isaga oo ah wasiirka amniga gudaha
Wasiir Cabdalle oo arrintaa ha hadlayaynwa waxaa uu yidhi.“waxa barasha bulshada ku jiray warar barobogaando ah oo ka hadlayey in madaxwaynihii hore ee qaranka Somaliland gurigiisa laga qaaday illaaladii khaaska ahayd, waxaan idiin sheegayaa anigoo ah wasiirkii Arimaha gudaha in aanu warkaasi sal iyo raad toona lahayn” wasiirka Arimaha gudaha ayaa sidaas yidhi.
Waxa kale oo wasiirku carabka ku dhuftay in madaxwaynihii hore ee Qaranka Somaliland xushmad badan qaranka ku leeyahay sidoo kale na warkaasi yahay mid waxba kama jiraan ah.
“Madaxwaynahaa hore ee qaranka Muuse Biixi xushmad badan ayuu qaranka ku leeyahay, xasaanad buu leeyahay, wuu u soo halgamay, hadana madaxwayne ayuu u noqday, nabad galyadiisa iyo ammaankiisa waxaa ka masuul ah xukuumada”
Waxa kale oo wasiirku uu intaa ku daray n aanay jirin ciidan laga qaaday waxanu yidhi. “Ilaalada gaarka ah ee madaxwayne muuse waxay ku sugan yihiin gurigiisa”
Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyey in arinka sheegaya in ciidankii ilaalilanayey Maxadaxwayne hore muuse ay faafinayaan dad caan ah oo uu ugu yeedhay in ay yihiin qaran dumis fidmo wadayaal ah isla markaana ay madaxwayne hore Biixi iyo qarankaba yihiin dad meel kaga dhacaya.
Gabagabadii Wasiir Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa digniin u diray dad uu ku sheegay in ay caan yihiin isla markaaana faafiya wararka waxba kama jiraanka ah isla markaana ay garanayaan waxaanu ku boorriyey in ay ka fogaadaan wax yaabaha Qaranka duminaya waxa kale oo uu intaa raaciyay in aanay u dulqaadanayn hadii ay joojin waayaan warka been abuurka ah waxaanu wasiirku hoosta ka xariiqay in ay tallaabo sharciya ka qaadi doonaan.