Taipei (Dawan):- Dawladda Taiwan, ayaa soo soo dhawaysay magacaabista Safiirka cusub ee Somaliland u Joogi doona dalka Taiwan Danjire Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), waxaanay warqad arrintan ku saabsan u soo dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro.
Sida ay baahisay wakaalada wararka Taiwan (CNA) Diblumaasi sare oo u dhashay dalka Taiwan ayaa Salaasadii kusoo dhaweeyay Safiirka cusub ee Somaliland Md. Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, oo dhawaan xilkiisa kula wareegay magaalada Taipei.
Isagoo ka hadlayay war-bixin toddobaadle ah oo lagu qabtay Taipei, Chen Yung-po oo ah ku xigeenka madaxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Galbeedka Aasiya iyo Arrimaha Afrika, ayaa rejo ka muujiyay in Galaal uu sii wadi doono horumarinta xidhiidhka laba geesoodka ah.
Galaal waxa bishii hore soo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Danjire. Galaal ayaa fariin uu bulshada Taiwan 29-kii Jannaayo ee Facebook-ga ugu diray ku hambalyeeyey Sannadka Cusub ee Dawladda Taiwan iyo Shacbigeeda.
“Munaasibada farxadda leh ee Sannadka Cusub, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xafiiska Taipei waxa ay salaan diiran u dirayaan Dawladda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Taiwan Sannadkan cusub ha u keeno barwaaqo, farxad, iyo guul joogto ah.”
“Waan qadarineynaa xidhiidhka adag iyo saaxiibtinimada ka dhexeysa labadeena dal waxaanan rejayneynaa sanado badan oo kale oo iskaashi midho-dhal leh iyo barwaaqo la wadaago. Sannad Cusub oo wanaagsan!” ayuu Safiir Galaal ku qoray bartiisa Facebook.
Dajnire . Galaal ayaa ka hor inta aan xilka Taiwan loo magacaabin, waxa uu soo noqday Safiirka Somaliland ee Itoobiya iyo sidoo kale Wasiirka Qorshaynta iyo Caafimaadka.
“Xafiiska Taiwan ee Somaliland waxa uu xidhiidh wanaagsan la yeeshay dawladda cusub ka dib markii Madaxweyne Md. Cabdiraxmaan Cirro loo dhaariyay xafiiska 12-kii December.” ayuu yidhi Chen.
Xidhiidhka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ayaa sii xoogaystay tan iyo markii labada dhinac ay xafiisyo dublamaasiyadeed ka kala furteen caasimadaha labada dal sanadkii 2020.