Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Mudane, Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) iyo wasiirku xigeenka wasaaraddaas Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa kormeer shaqo ku tegay, Madbacada Qaranka Somaliland, una kuurgalay hannaanka ay u shaqayso iyo adeegyada ay bixiso.
Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka oo ay madbacada Qaranka ku soo dhaweeyeen Maareeye ku xigeenka Madbacada, ahna sii haya Maareeyaha, Cabdicasiis Jaamac Cali Casoowe, agaasimaha maamulka iyo lacagta Maxamed Cabdi Aadan Gabas, Agaasimaha iibka iyo suuqgeynta Maxamed Cabdi Cadaawe, agaasimaha qorshaynta Cabdirisaaq Caydiid Muxumed iyo masuuliyiinta kale ee madbacada Qaranka.
Wasiirka ayaa mid mid u soo maray waaxyaha kala duwan ee Madbacada Qaranka, adeegyada wax-soo-saar, ee Madbacada Qaranku bixiso iyo waxa ay daabacdo, sida Miishinka bilaydh lambarka baabuurta, Miishiinka daabacada Liisamada iyo buugaagta baabuurta, iyo waaxyaha kale ee ay ka kooban tahay Madbacada Qaranku.
Wasiir Cismaan Af-gaab oo kormeerkiisa Madbacada Qaranka ka hadlay ayaa sheegay in Madbacada Qaranku gudatay waajibaadkeedii, isla markaana la og yahay hawsha ay Qaranka u hayso, waxaanu intaas ku daray in qalabka ay haysata yahay kii ugu wanaagsana marka loo eego Madbacadaha gaarka loo leeyahay, waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in la iimaansado waxa aynu haysano lana tayeeyo.
Waxaanu yidhi.“Ujeedada socdaalkayagu waxa ay salka ku haysay ukuurgelidda adeeg-bixinta ay Qaranka u hayso, waliba kuwa qiimaha lacagta leh, sidoo kale in aanu ogaano awoodda Madbacada Qaranka ee hawl-socodsiinta hawlaha muhiimka ah, qaybaha kala duwan ee Madbacada ayaanu soo kormeerney.
Kan imika aan gacanta ku haya waa bileydh lambarkii gaadiidka, daqiiqadii aan xafiiskan ku sugna 20 xabbo wax ka badan ayay sameysay, waxaynu ogaaneyna inay awood u leedahay inay sameyso, tayadooduna way fiican tahay, waxa kale oo yaalla Mishiino jarjaraya adeegyada kale ee gaadiidku u baahan yahay, sida buugagta liisamada iyo wixii la mid ah, wasaaradda maaliyaddana waanu isla qiimeyn doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo.
Marka waxaanu rabna ka dawlad ahaan in aynu noqono kuwa isku tiirsan waxna wada qabsankara, waxyaabaha ay madbacadu gacanta ku haysaana waa waxyaabihii qiimaha lacagta ah lahaa, kuwaasina waxa ay u baahan yihiin in la ilaaliyo, ka xukuumad ahaan na wixii ay u baahan tahay waxa aanu xoogga saaraynaa in la dhiirigeliyo, sababto ah halkan waxa yaalla Mishiinadii ugu badnaa, mana yaalaan kuwa gaarka loo leeyahay, waxay noqon lahayd wax weyn marka waxaynu u baahannahay inaynu iimaansano waxa aynu haysano”
Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka ahna ku simaha Maareeyaha, Mudane Cabdicasiis Jaamac Cali Casoowe, ayaa ka warbixiyay adeegyada ay Qaranka u hayaan, waxaanu sheegay in ay buuxiyeen isla markaana ay dabooleen adeegyo Qaranku dibedda u doonan jiray sida Shiinaha iyo meelo kale.
Waxaanu yidhi. “Aadbaanu ugu faraxsanahay in aad wasiir iyo wasiir ku xigeen aad na soo booqataan, anagoo ku hawlan qabashada adeeg-bixinta kala duwana ay dawladda u haysay Madbacadda Qaranku, oo uu ugu horreeyo bileydh lambarku, oo shaqadii oo socota oo mishiinkaasi wado ku soo begantaan, adeegyaddii dalka dibeddiisa loo doonan jiray oo dhan ayaanu daboolney, dawladdana lacag badan ayaa lagaga qaadi jiray oo Shiinaha laga dalbi jiray, marka waxa inoo baaqi garoobeysa lacagtii dalka dibeddiisa innooga bixi jirtay, oo Madbacada oo waajibkeedu ahaa in xoggaha dawladda ay daabacado inaad adiguna manta(shalay) soo booqato oo aad indhahaaga ku aragto wixii wasaaradda la idinkaga odhan jiray Madbacadi ma sameyn karto, waxaanad indhahaaga ku aragtay iyada oo hawshii qabaneys oo awood u leh aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay wasiir halkaasi ayaynu kasii wadi doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo”