Dhacdo Qiira-gelisay Madashii Qarnigan ee Shirka Dawladaha Adduunka oo uu Qaabilay Madaxwaynaha Somaliland

0
23

Qore: Khadar M.Xaashi

Dubia (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka qayb galay shirka dawladaha adduunka oo ay ka qaby galeen in ka badan soddon madaxwayne oo ka socday daafaha dunida iyo boqolaal maal-qabeenada caalamka ah, kaasi oo muhiimad wayn u leh qadiyada madax-banaanida Somaliland oo uu madaxwaynuhu ku nuux nuuxsaday madal dunidu iskugu timi.

Ma rabo in aan ku fogaado shirka iyo waxtarka uu inoo leeyahay balse waxa aan qalin ku tabinayaa dhacdo qiiro-galisay madashii qarniga ee shirka dawladaha adduunka oo uu qaabilay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ay diniduna qiraal ka noqotay.

Waa cashar iyo cibaaro siyaasi ah oo ka dhacday goobta uu ka socday shirka dawladaha adduunka, madashaashi oo ay sinta isku hayeen madaxwaynaha Somaliland oo ah madaxweyne lagu soo doortay habka Dimuqraadiga ah, kuna soo baxay aqlabiyada cododka shacbigiisa oo ku doortay doorasho xor iyo xalaal ah, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo madaxwaynaha dalka Ecuatorial Guinea, Teodoro Obiang oo muddo 46 samnadood ah xukumayay dalkiisa.

Waxa la yaab noqotay markii uu xidhiidhiyaha madasha shirka dawladaha adduunku uu Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, barayay ka qaybgalayaasha shirka xukuumadaha, isaga oo uu yidhi “Aan iskiin baro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo talada dalkiisa la wareegay bishii 12aad, laguna doortay aqlabiyad weyn oo 64% ah”.

Ilbidhiqsiyo ka hor Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu barbar fadhiyay oo uu ka soo ag kacay madaxweynaha Ecuatorial Guinea, Teodoro Obiang oo ah 83 jir, kaas oo talada dalkaasi xoog ku hastay muddo 46 sannadood, wiilkiisuna mar u ahaa madaxwayne ku xigeen.

Dareenkaa qabka iyo sarraynta ku lammaan ee qof kasta oo reer Somaliland ah dareemay markii madaxweynahooda loogu yeedhay nin talada aqlabiyad ku fadhiya, waxay ay keentay in bulshadu ay ku falanqayso kuna faaqido hannaanka loo qaabilay madaxwaynaha iyo khudbada dhaxal-galka ah ee uu madaxwaynaha Somaliland dunida u bandhigay.

Gebo-gabadii shirka dawladaha adduunku waa mid guul u ah Jamhuuriyadda Somaliland fursadna u siiyay in Somaliland gudbiso doodeeda madal caalamka intiisii badnayd ku dhanyay, kuwaasi oo wada dhadhan-saday muhiimada ay Somaliland u leedahay dunida inteeda kale.