Wasaarada Horumarinta Beeraha oo Qabatay Kulan lagu Lafo-gurayay Siyaasadda Bad-qabka Cuntada

0
25

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Prof. Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, ayaa magaalada Hargeysa ka furay aqoon is-waydaarsi lagu lafo-guray siyaasadda bad-qabka cuntada Qaranka.

Ugu horayn waxa ka hadlay xidhiidhiyaha barnaamijka (Project Coordinator) Mr. C/Qani Xasan Cabdi, waxaanu u mahad-celiyay dhammaan daneeyayasha la shaqeeya Wasaaradda horumarinta Beeraha, gaar ahaan kuwa kala shaqeeya bad-qabka cuntada, gaar wasaaradaha dawliga ah, sida Wasaaradaha Beeraha, Xoolaha, kalluumaysiga, deegaanka iyo Wasaaradda Biyaha.

Waxa uu xidhiidhiyaha WFP uu ka warramay maraxaladhii kala duwanaa ee ay soo martay siyaasadani, isaga oo sidoo kale ka warramay Qabyo-qoraalka Koowaad (Fist Darft) ee siyaayaddu maanta diyaar u tahay si loogu sameeyo dib u eegis, kaabis iyo wax ka beddel.

Waxa uu ku booriyay daneeyaasha ka soo qayb-galay kulankan inay wakhtigooda galiyaan sidii loo heli lahaa siyaasad hufan.

Xidhiidhiyuhu waxa uu u mahad-celiyay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ka taageeray mashruuracan oo ay wada shaqayn dhaw leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Waxa isna madashaa ka hadlay isu duwaha beeraha ee gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Beeraha Mr. Khadar, waxaanu ka hadlay muhiimadda ay u leedahay in wasaaraddu samayso siyaasaddan badqabka cuntada qaranka.

Waxa uu ku booriyay hawl-wadeenada wada siyaasaddan inay dadaalkooda sii libin labaan.

Waxa isna hadalka qaatay Agaasimaha wax soo saarka iyo badqabka cuntada oo ka hadlay ahmiyadda ay u leedahay siyaasaddani waax ahaan.

Wax kale oo uu Agaasimuhu ka dhawaajiyay si kor loogu qaado wax soo saarka, in la helo siyaasaddan muhiimka u ah.

Waxa isna madasha ka hadlay mid ka mid ah khuburada wasaaradda horumarinta beeraha ee ku xeel-dheer badqabka cuntada qaybna ka ah siyaasaddan, waxa uu ka dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasaddan oo wax badan ka caawinaysa qaranka Somaliland.

Waxa madashaas si rasmi ah u furay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, waxaanu ugu horayn u mahad-celiyay daneeyayaasha ka soo qayb-galay dib u eegista qabyo-qoraalka koowaad ee siyasaddan.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyay hay’adaha dawliga ah ee ka soo qayb-galay kulankan.

Waxa kale oo uu ka hadlay ka xukuumad ahaan inay siyaasadooddu tahay in kor loo qaado wax soo saarka, si loo gaadho isku filnaasho dhanka cuntada ah.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu ka hadlay sida ugu muhiimka tahay siyaasaddani wasaarad ahaan iyo qarankaba.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu intaa raaciyay inay diyaar u yihiin ka xukuumad ahaan inay is bar-bar tagayaan beeraleyda dalka oo kor loogu qaado wax soo-saarkooda. Wasiir ku-xigeenku waxa uu mahad-celiyay masuuliyiinta gacanta ku haysa siyaasadda.