Qore: Faysal Xiis Afgaab
Boorama(Dawan):-Guddoomiyaha gobolka Awdal Muxumed Xasan Jaamac Xoday,ayaa dhawaan qabtay shir muhiim ah oo ay ka qayb galeen hay,addaha caalamiga ah ee gobolka ka hawl gala kuwa maxaliga ah iyo isuduweyaasha laamaha dawladda ee heer gobol.
Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd is barasho iyo ka wada hadalka wada shaqaynta hay,addaha caalamiga ah iyo laamaha dawladda ee ay wada shaqaynta leeyihiin iyo is waafajinta horumarka gobolka xukuumaddu ka waddo iyo horumarka ay hay,adduhu ka qayb qaadanayaan iyo war bixinnta hay,adduhu gobolka ka gudbinayaan isla ogaanteeda.
Kulanka guddoomiyaha gobolka Awdal la yeeshay hay,addaha caalamiga ah ayaa la isla gartay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo horumarka gobolka isla markaana wixii mashaariic ah ee ay hay,adduhu wadaan in la waafajiyo qorshaha horumarka shanta sano ee xukuumaddu waddo.