Somaliland iyo Rugta Ganacsiga Ruuska oo ka Wada Hadlay Fursadaha Maalgashi ee Dalka

0
29

Hargaysa (Dawan):- Dawladda Somaliland iyo Rugta Ganacsiga ruushka,ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee yaalla Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Maxamed iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaas Cabdifataax Ismaaciil Ducaale, ayaa qaabiley kulanna la yeeshay guddoomiyaha Ururka Ganacsiga dalka Ruushka ee Afrika (Afriocom Trading), Mudane Igor Morozov, iyo weftigii uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta fursadaha maalgashi ee Somaliland, iyada oo loo arkayo xarun istaraatiiji ah oo lagaga shaqeeyo wax-soo-saarka wershadaha ee gobolka.

Intii Kulanku socday Waxaa diirada lagu saarey maalgashiga Sugnaanta Cuntada, Horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo wershadaynta cuntada.

Sidoo kale waxa kulanka lagu gorfeeyay wax-soo-saarka Warshadaha, Maalgashiga warshado wax-soo-saar iyo horumarinta qiime-kordhinta, waxa kale oo lagaga hadlay intii kulankaasi socday kaabayaasha iyo adeega iibka, xoojinta marinada dhoofinta ee ganacsiga gobolka iyo caalamka ba.

Somaliland waxay sii wadaysaa in ay isu diyaarinayso sidii ay u noqon lahayd xudunta ganacsiga iyo maalgashiga gobolka. Waxaan rajaynaynaa in iskaashigan uu keeno koboc dhaqaale iyo horumar warshadeed.