Wasiirka Caddaalada oo Kormeeray Xaaladda Nololeed ee Maxaamiista ku Xidhan Jeelasha Gar’adag iyo Ceel Afwayn

0
29

Sanaag (Dawan) Wasiirka wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku marayay gobollada Bariga Somaliland ayaa booqday Xabsiyada Degmooyinka Gar’adag iyo Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladsa JSL, Md. Yoonis Axmed Yoonis, ayaa kormeer xaqiiqo raadis ah ku sameeyey Xabsiyo ka mid ah kuwa gobolka Sanaag.

Kormeerkaas ayaa qayb ka ah qorshe lagu darsayo, looguna kuurgelayo xaalada nololeed ee ka jirta xabsiyadda dalka, gaar ahaan xuquuqaha aasaasiga ah ee maxaabiista, xaalaadda nadaafadeed iyo baahiyaha aasaasiga ah ee maxaabiista xabsiyadda dalka ku jira iyo guud ahaan caqabadaha haysta xabsiyadda.

Kormeerka ayaa wasiirka waxa ku wehelinaaya saraakiil wasaaradda Caddaaladda ka tirsan, waxaana weftiga ku qaabilay Taliyaha Xabsiga Gar’adag Maayar-ka Dagmada Gar’adag & Xoghayaha Dagmada.

Taliyaha Xabsiga Gar’adag ayaa masuuliyiinka wasiirku hoggaaminaayey siiyey warbixinta guud ee Xabsiga, isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kormeerka wasiirku ugu yimid, Wasiirka Cadaaladda ayaa kormeerka indho indhaynta kusoo maray dhamaan maxaabiista xabsigaa ku jirtay mid midna u waraystay xalada ay ku sugan yihiin.

 

Wasiir Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hawl-wadeennada xabsiga iyo guudnahaan Ciidanka Asluubta JSL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista, waxaannu ballanqaaday in ay ka dawlad ahaan lagu dedaali doono horumarinta xabsiyadda iyo Ciidanka Asluubta, diyaarna ay u yihiin xalinta caqabadaha ka jira xabsiyadda.

Waxa sidoo kale wasiirku kormeer ku sii maray Xabsiga degmada Ceel Afweyn isagoo bogaadiyey Sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan ciidamada Asluubtu maxaabiista Xabsigaa ku jirtay.

Wasiirka iyo masuuliyiinta la socotay waxa ay warraysteen maxaabiista Xabsiga ku jirta, iyagoo sidoo kalena si toos ah u darsay xaaladda maxaabiista xabsiga ku jirtaa ay ku nool yihiin.