Wasaaradda Caafimaadka JSL oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka Kala Wareegtay Agab Caafimaad

0
26

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan xubinteena koowaad waxa aynu kaga xog-waramaynaa wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo agab caafimaad kala wareegtay Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waxa aynu xubintan wax kaga tilmaami doonaa agabkan caafimaad iyo qaybaha uu ka kooban yahay, sidoo kale waxa aynu soo qaadan doonaa kulanka lagula kala wareegayay abagkan caafimaad iyo waxyaabihii lagaga waramay.

Haddaba Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Axmed Maxamuud Jaamac ayaa agab caafimaad oo isugu jira kuwa shaybaadhka iyo dawooyinka kala wareegay Hay,adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Munaasibada lagula kala wareegayay agabkan ayaa waxaa goob joog ahaa, qaar ka mid ah, Agaasime waaxeedadda wasaaradda horumarinta caafimaadka, madaxa kaydka daawooyinka ee wasaaradda, madax ka socotay hay,adda WHO iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha guud ayaa ugu horayn warbixino khuseeya agabkan ka dhagaystay madaxda sare ee hay,adda WHO, iyagoo xusay in ay qayb weyn ka qaadan doonaan dadaalada ay ku jirto Wasaaraddu.

Waxa kale oo ay masuuliyiinta Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay xuseen in agabkani aanu ahayn kii u horeeyay ee ay soo gaadhsiiyaan wasaaradda balse waxa ay tilmaameen inay wasaaradda wada shaqayn joogta ah ay leeyiin isla markaasia ay kala qayb qaateen dedaal kasta oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo caafimaadka dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, oo si rasmi ah ula wareegay agabkan Caafimaad, ayaa uga mahadceliyey hay,adda Caalamiga ah ee WHO wada shaqaynta joogtada ah ee ay la leeyihiin wasaarada, isagoo sidaa si la mida ula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta wasaaradda, in xil la iska saaro ilaalinta iyo daryeelka agabyada caafimaad.