Dawladda Hoose oo ka hadashay habsami-u-socodka dhismamaha Jidka Saldhiga dhexe ilaa Biriijka koowaad

0
53

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha degmada 26-ka Juun Mudane Cumar Maxamed, ayaa ka warbixiyey habsami u socodka howlaha dhismamaha waddada cusub ee Saldhiga dhexe Magaalada Hargeysa ilaa Biriijka koowaad ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, oo dhismaha waddaas howsheeda gacanta lagu hayo.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Degmada Degmada 26 juun waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Dowlada hoose Magaalada Hargeysa Degmaddaasi ka hirgaliyeen Waddooyin kala duwanaa, isla markaasina Waddooyinkaas u sameeyeen dayactir iyo goobaha biyo mareenada ah.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu xusey in waddaas ka hor intii aan la sameynin caqabadi kala kulmi jireen Gaadiidka iyo Shacabkuba muadada lagu gudo jiro xilli roobaadka.

Guddoomiyuhu waxa uu uga mahadceliyey Masuuliyiinta Dowladda Hoose ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaanna qeybta howlaha guud ee Dowlada hoose Magaalada Hargeysa oo agagaarka Wadadaas ka hirgaliyey Biyo mareen cusub oo Biyaha ku ridaya Dooa Weyn Magaalada hargeysa.

Gaba-gabadiina, Eng- Cabdirisaaq Axmed oo halkaas ka hadley ayaa sheegay in agagaarka wadadaas ka hirgaliyeen Biyo-mareen dherrerkiisu dhan yahay 250 mitir, kaas oo Biyaha Waddadaasi dul fadhiisan jirey ku ridi doona Dooxa weyn Magaalada Hargeysa.