Warbaahinta dowladda ee KCNA ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu Isniintii booqday halka uu ku aasan yahay hoggaamiyihii hore Kim Jong-il oo ahaa Aabihii xaflad lagu xusayey dhalashadii aabihii.
Hogaamiyihii hore Kim Jong Il dhalashadiisa oo ku beegan 16-ka Feberaayo, ayaa si weyn looga xusay Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ay tahay maalin weyn oo fasax ah, taas oo loogu yeedho maalinta Xiddigta ifaysa.
Laakiin waxay ahayd markii ugu horreysay muddo afar sano ah oo Kim oo da’yar uu booqdo Qasriga Kumsusan ee Sun ee ku yaal caasimadda Pyongyang, oo ay ku yaalliin qubuuraha aabihiis iyo awoowgiis, oo lagu xuso sannad-guuradooda.
Waxaa weheliyay Kim Yo Jong, walaashii iyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha, oo ay ku jiraan kaaliyeyaal kale, Kim Jong Un ayaa u maamuusay “ixtiraam hooseeya,” sida ay tidhi KCNA.
“Wuxuu muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu naftiisa u huro halganka muqadaska ah ee loogu jiro barwaaqada daa’imka ah ee dalka, sugidda amniga dadka iyo horumarinta wanaaggooda,” ayaa la yidhi, iyada oo laga hadlayo hoggaamiyihii hore Kim Jong-il.
.Boqortooyada Kim oo ka talinaysay Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii la aasaasay dalkaa dagaalkii labaad ee adduunka, waxay awooddeeda ku xoojisay iyaga oo dhistay dhaqamo shakhsiyadeed oo ku xeeran iyaga, inkasta oo Kim Jong Un uu muujiyay astaamo muujinaya inuu isku dayay inuu si dheeraad ah cagihiisa ugu istaago isaga oon ku tiirsanayn madaxdii isaga ka horreysay.
Hawl gal kale, KCNA waxay sheegtay in Kim uu Axaddii ka qayb galay xaflad lagu dhagax dhigayay wejiga ugu dambeeya ee mashruuca Pet project oo lagu dhisayo 50,000 oo guri oo cusub Pyongyang.
Hindisahan hamiga leh ayaa la bilaabay 2021-kii taas oo qayb ka ah qorshaha shanta sano ee Kim ee lagu kobcinayo dhaqaalaha waxaana loogu talagalay in lagu qaybiyo ugu yaraan 10,000 oo guri oo cusub Pyongyang sanad kasta, in kasta oo falanqeeyayaasha qaar ay su’aal ka keeneen suurtagalnimada iyada oo ay jirto cunaqabatayn caalami ah iyo dhaqaale xumo.
Intii ay socotay xafladda, Kim wuxuu ku ammaanay shaqaalaha dhismaha iyo mas’uuliyiinta inay gaareen ku dhawaad 400% horumar sannadkii hore marka loo eego 2020 wuxuuna ballan-qaaday qorshe kale oo lagu sii ballaarinayo magaalada.
Mashruucu waxa uu “keeni doonaa waa cusub oo barwaaqo ah Pyongyang kaas oo la dhiso wadooyinka ugu haboon ee dadka ay ku faanaan aduunka sanad walba,” KCNA ayaa tidhi.