Hogaanka Ciidanka Booliska JSL oo ka Hadlay Dil Loo-gaystay Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Ciidamada

0
41

Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Hoggaanka Hawlgalinta Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi Xirsi oo ay weheliyaan Saraakiil sare oo Ciidanka Booliska ayaa shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa ka warbixiyey dilkii alle ha u Naxariistee Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge oo uu u gaystay Askari katirsan Saldhigaasi kaasi oo uu ku eedaysan yahay in uu dilka u gaystay taliyaha Saddex Alifle Maxamuud Cali Nuur.
“Waxan umadda reer Somaliland halkan ugu cadaynayaa oo shirkani daaran yahay in aanu halkan ka cadaynaynaa dil ka dhacay saldhiga Booliska Maxamed mooge ee magaalada Hargeysa, waxa la dilay Gaashaanle Cabdi Cali Nuur oo ahaa Taliyaha Booliiska Saldhiga Maxamed Mooge, waxan Dilkaa lagu eedaynayaa Saddex Alifle Maxamuud Cali Nuur “Hogaanka ciidanka Booliska Somaliland.
Waxa kale oo uu nintaasi kudaray in eedaysanahu ka tirsanaa Saldhiga uu xukumayey Marxuumku isla markaasina laqabtay isla markaana gacanta lagu dhigay lana geeyey xarunta Ciidanka dambi baadhista iyadoo sida ugu dhasaha badan loo horgayn doono Hay’adaha sharciga.
“Eedaysanaha waa laqabtay waxana uu ku xidhan yahay Xarunta CID da, kiiskana baadhistiisii ayaa socota waxana la horgayn doonaa maxkamada awooda u leh” ayuu yidhi hogaanka Ciidanka Booliska Somaliland.
Geesta kale Sareeye Guuto Ibraahim Cabdi Xirsi ayaa Tacsi u diray Qoyskii uu kabaxay marxuumku, dhamaan Ciidanka Booliska ee uu sarkaalku ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Reer Somaliland.
Gabagabadii Hogaanka Ciidanka booliiska ayaa carabka ku adkeeyey in sida ugu dhakhsaha badan eedaysanaha loo horgeeyo laamaha Cadaaladda ee awoodda u leh.