Sababta uu Trump ugu Doortay Sucuudiga Goobta Wada Hadalka

0
38

Doorashada maamulka Trump ee Sacuudiga uu doortay goobta lagu qabanayo wadahadalada muhiimka ah ee Ukraine ayaa hoosta ka xariiqaya sida Boqortooyada ay uga dhowaatay diblumaasiyadda gobolka kadib dilkii saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi 2018.

Dilkaasi waxa uu mugdi geliyey dalkaa iyo hogaamiyaha dhaxal sugaha ah Maxamed Bin Salmaan laakiin hadda waxa uu u muuqda in uu meesha ka baxay, inkasta oo wali ay jiraan walaacyo mararka qaar lagu soo bandhigo fagaarayaasha caalamiga ah ee ku aadan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga.

Soo laabashada Donald Trump ee Aqalka Cad ayaa iyaduna fursad u noqotay, si kastaba ha ahaatee   Saraakiil sare oo ka kala socda Ruushka iyo Maraykanka ayaa Salaasada maanta ah ku kulmi doona Sucuudiga si ay uga wada hadlaan hagaajinta xidhiidhka labada dal, suurtagalnimada xabbad-joojin ka dhacda Ukraine, iyo kulan la filayo in uu dhex maro madaxweynayaasha labada dal Vladimir Putin iyo Donald Trump.

Wada hadalladan ayaa imanaya iyada oo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo colaadda Ukraine ay sare u kacayaan. Talaabadan ayaa daba socota markii madaxweynaha Maraykanka uu toddobaadkii hore telefoon kula xidhiidhay Putin iyo Volodymyr Zelensky, isaga oo labada madaxweyne ku cadaadiyey inay joojiyaan dagaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, iyo la taliye sare oo ka tirsan xafiiska Putin, Yury Ushakov, ayaa u duulay Riyadh Isniintii, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov.

“Wadahadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Ruushka waxay si gaar ah diiradda u saari doonaan soo celinta xidhiidhka dhameystiran ee labada dal,” ayuu yidhi Peskov.

Moscow waxay sidoo kale dooneysaa in lagala hadlo arrimo amni oo ballaadhan oo ka baxsan xabbad-joojin suurtagal ah oo laga gaadhi karo Ukraine.

Ruushka ayaa marar badan si adag u cambaareeyay joogitaanka NATO ee badhtamaha iyo bariga Yurub, isaga oo dalbaday in ciidamada xulafada Reer Galbeedka laga saaro dhowr dal oo bariga Yurub ah. Dalabkan ayaa la hordhigay ka hor inta aanu Ruushku qaadin weerarkiisii ballaadhnaa ee Ukraine bishii Febraayo 2022.

Kulamada Riyadh ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa “wada hadallo suurtagal ah oo ku saabsan xalka Ukraine iyo abaabulidda kulan dhex mara labada madaxweyne,” sida uu Peskov u sheegay warfidiyeenka.

Wada hadalladan waxa ka werwersan Ukraine iyo Midowga Yurub oo aan lagu marti qaadin iyaguna waxay kulan ku leeyihiin Paris.