Wasaaradda Tamarta oo Qabatay kulan lagu Gorfaynayay Dib-u-eegista Qorshaha shanta sano ee wasaaraddaasi

0
60

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta Wasarada Tamarta iyo Macdanta ayaa soo Qabanqaabiyey kulan hordhac ah oo ku saabsan Dib-u-eegista Qorshaha shanta sano ee wasaaradda tamarta iyo Macdanta Somaliland.

Shirka waxaa ka soo qayb galay khubaro iyo waayo-arag sare oo leh khibrad ballaadhan oo la xidhiidha diyaarinta iyo hirgelinta qorshayaasha istiraatiijiga ah.

Intii uu socday kulanka, waxa la falanqeeyay caqabadaha iyo fursadaha hor yaalla wasaaradda, iyada oo la is-dhaafsaday fikrado muhiim ah oo lagu horumarinayo qorshahan.

Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane . Axmed Jaamac Barre, ayaa shirka soo xidhay, isaga oo u mahadceliyay guddiga dib-u-eegista iyo dhammaan ka qeyb-galayaasha dadaalka ay geliyeen qorshaha.

Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda uu shirku u leeyahay mustaqbalka wasaaradda, gaar ahaan dejinta istiraatiijiyad cad oo lagu gaari karo horumar waara oo la taaban karo.

Wasaaradda waxa ka go’an in la sii xoojiyo dadaallada lagu hourmarinayo howlaha ay qabato, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka istiraatiijiga ah ee shanta sano ee soo socota.

Maamulka Dowlada Hoose Magaalada Hargeysa ayaa Gacanta ku haya Dhismaha Waddada Saldhiga dhexe ilaa Biriijka weyn, taas oo lagu guuleystay in la Dhammeystiro.