Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan oo inta badan aynu ku qaadaa dhigno Qormooyinka caafimaad ee mihiimada gaarka ah u leh bulshada, waxna ka taraya kor-u-qaadida wacyiga caafimaad ee reer Somaliland ayaa todobaadkan xubintiisa koowaad aynu ku soo qaadan doonaa kulanka sannadlaha ah ee dib-u-eegista iyo qiimaynta caafimaadka dalka iyo qorshaynta sanadka 2025-ka, kaasi oo lagaga Hadley arrimo muhiim u ah caafimaadka dalka.
Xubintan ayaa waxa aynu ku soo qaadanaynaa waxyaabihii kulanka lagaga Hadley oo ay kow ka tahay in dib u eegis lagu sameeyay sidii loo hagaajin lahaa caafimaadka aasaasiga ah ee dalka iyo sidoo kale sidii loo samayn lahaa Caymiska caafimaadka dalka.
Hadda wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo qaban-qaabisay kulanka sannadlaha ah ee dib u eegista iyo qiimaynta Caafimaadka Dalka iyo Qorshaynta Sannadka 2025 Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, oo sannad kasta hal mar la qabto si looga wada tashado Arrimaha Caafimaadka ee guud ahaan Dalka dibna loogu eego waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii sannadkii tagay, laguna qorsheeyo sannadka soo socda iyo waxyaabaha mudnaanta leh ee u baahan in wax laga qabto.
Kulankan oo socon doonna muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa goobjoog ahaa, masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, sida Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, Wasiirku xigeenka Wasaaradda, Marwo Samsam Maxamed Saalax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dr.Axmed Maxamuud Jaamaac, dhammaan agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda, madax qaybeedyada Wasaaradda, madaxda kala duwan ee Barnaamijyadda Wasaaradda, Isuduwayaasha iyo Agaasimayaasha cubsitaaladda ee goboladda Dalka iyo la-taliyayaasha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Kulankan ayaa sannadkan diiradda lagu saari doonno qodobo ay ka mid yihiin.
* Sidii dib u eegis iyo hagajin lagu samayn lahaa, adeegyada caafimaadka aas-aasiga ah.
* Waxaa lagaga tashan doonaa sidii loo samayn lahaa Caymiska Caafimaadka Qaranka.
* Sidii loo samayn lahaa kaydka wayn oo Dhiiga (Blood Bank) iyo maalmo cayiman oo shubista dhiidha loo gaar yeelo.
* In wax layska waydiiyo isticmaalka iyo tayada Dawada iyo sidii dawladu ula soo dagi lahayd daawooyin tayo leh.
* Qaabaynta iyo dib u eegista xarumaha caafimaadka waddanka iyo tayaynta shaqaalaha bixiyaya adeega caafimaadka.
Dhinaca kale wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi ayaa si rasmi ah usoo gabo’gabeeyey, kulanka sannadlaha ah ee dib u eegista iyo qiimaynta Caafimaadka dalka iyo qorshaynta sannadka 2025, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, oo sannad kasta hal mar la qabto si looga wada tashado Arrimaha Caafimaadka ee guud ahaan Dalka dibna loogu eego waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii sannadkii tagay, laguna qorsheeyo sannadka soo socda iyo waxyaabaha mudnaanta leh ee u baahan in wax laga qabto.
Kulankan socday labadii maalmood ee u dambeeyey, ayaa waxaa goobjoog ahaa, masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda horumarinta caafimaadka, sida wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, wasiirku xigeenka wasaaradda, Marwo Samsam Maxamed Saalax, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr.Axmed Maxamuud Jaamaac, dhammaan Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee wasaaradda, madax qaybeedyada wasaaradda, madaxda kala duwan ee Barnaamijyadda wasaaradda, Isuduwayaasha iyo Agaasimayaasha cibsitaaladda ee goboladda dalka iyo la-taliyayaasha wasaaradda horumarinta caafimaadka.
Kulankan ayaa sannadkan diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah Horumarinta Caafimaadka Dalka iyadoo Halku dhiga sannadkanina ahaa Balaadhinta adeegyada caafimadka Dalka.