BBC-da oo soo Bandhigtay Dawooyin aan Sharci Ahayn oo Hindiya u soo Dhoofiso Afrika

0
33

Shirkad Hindi ah oo aan sharci ahayn ayaa soo saarta dawooyinka nooca loo yaqaano opioid-ka kuwaas oo aad loo qabatimo, waxaanay si sharci darro ah ugu dhoofisaa Galbeedka Afrika, sidaana waxa lagu caddeeyey baaadhitaan ay samaysay BBC-da Barnaamij Africa Eye. Dalal Ghana, Nigeria, iyo Cote D’Ivoire, ayaa ka mid ah dalalka ay BBC Eye sheegtay, waxaanay dalalkaasi wadaan dhibaatooyin caafimaad oo loo malaynayo in dawooyinkani keeneen.

OPIOD waa maxay? Nooc wadar dawooyin ah ayaa laysku yidhaahdaa Opiod waana xannuun baabiye. Shirkada Aveo Pharmaceuticals, oo xarunteedu tahay Mumbai, ayaa la ogaaday in ay samayso kaniiniyo kala duwan oo ku soo baxa magacyo kala duwan kuwaas oo loo baakeeyay si ay ugu ekaadaan dawooyin sharci ah. Laakiin dhammaantood waxay ka kooban yihiin waxyaabo isku mid ah oo waxyeello leh. Waxa ka mid ah dawooyinka tapentadol, opioid awood leh, labadoodba waxaa loo isticmaalaa xannuunka iyo carisoprodol, oo nasinta murqaha ah, si aad ahna loo qabatimo, waxaana hore looga mamnuucay Yurub.

Dawooyinkan isku darka ah ma jirto meel adduunka ah oo looga haysto shati ganacsi waxaanay keeni karaan dhibaato neefsasho iyo suuxdin. Qaadashadeeda xad dhaafka ahina qofka way dili karta.

Iyaga oo ay khatartaa leeyihiin, opioids-yadani waxay caan ku yihiin waddooyinka dalal badan oo Galbeedka Afrika ah, sababta oo ah aad bay u jaban yihiin meel kastana waa laga heli karaa.

BBC –da qaybta adduunka la hadasha ee BBC world service waxay heshay baakado ay ku xardhan yihiin astaanta Aveo, oo lagu iibinayo waddooyinka iyo magaalooyinka Ghana, Nigeria, iyo Ivory Coast.

Baadhitaanka dawooyinkani waxa uu did ugu soo noqday warshadda Aveo ee Hindiya.  BBC-du waxay u dirtay hawl-wadeen qarsoodi ah oo gudaha u galay warshadda, isaga oo iska dhigaya ganacsade Afrikaan ah oo doonaya inuu dawooyinka opioids-ka uu geeyo Nigeria. Hawl-wadeenkaa BBC waxa uu adeegsanayey kamarad qarsoon, BBC-du waxa ay duubtay mid ka mid ah agaasimayaasha Aveo, Vinod Sharma, oo muujinaya isla alaabada halista ah ee ay BBC-du ku soo aragtay iibka Galbeedka Afrika.

Muuqaalka sirta ah ee la duubay, hawl-wadeenku wuxuu Sharma u sheegay in qorshihiisu yahay inuu kaniinka ka iibinayo da’yarta Nigeria “kuwaas oo dhammaantood jecel alaabtan”. Sharma wuxuu la soo booday. “OK,” oo uu ku jawaabay, ka dib wuxuu raaciyey sharaxaad “haddii isticmaalayaashu ay qaataan laba ama saddex kaniin ah hal mar, way ka nasanayaan xannuunka, waxay helayaan dareen sare .

Dhammaadkii kulanka, Sharma ayaa yidhi: “Tani caafimaadka waa ku waxyeelo,” hadna tani waa ganacsi maalmahan. Waa ganacsi dhaawac u geysta caafimaadka isla markaana burburinaya awoodda malaayiin dhallinyaro ah oo ku nool Galbeedka Afrika.

Magaalada Tamale, ee waqooyiga Ghana, dhalinyaro aad u badan ayaa si sharci darro ah u qaadanaya dawooyinka opioids, mid ka mid ah madaxda dhaqmeedka magaalada, Alhassan Maham, ayaa abuuray ciidan nafhurid ku shaqeeya oo ka kooban ilaa 100 muwaadiniin maxalli ah oo hadafkoodu yahay in ay weeraraan dadka ka ganacsada dawadan waddooyinka magaaladana ka saaraan.

“Dawooyinka waxay ka qaadaan miyir qabka kuwa ku xad-gudba,” ayuu yidhi Maham, “waxay u tahay sidii gaas lagu sii shubo dab.” Mid ka mid ah kuwa qabatimay dawooyinkan ee Tamaale ayaa si fudud u sheegay, isaga oo yidhi, “naftayada way lumiyeen”.

Kooxda BBC-da ayaa raacday kooxaha iska wax u qabsada ku shaqeeya ee Tamale. Waxay qaateen mootooyin, ka dib markii ay heleen xog ku saabsan heshiis daroogo ama dawooyinka Opiod, waxay weerar ku qaadeen mid ka mid ah xaafadaha ugu liita Taamaale. Intii ay jidka sii socdeen waxay arkeen nin dhallinyaro ah oo miyir belay wadada dhinaceeda, kaas oo sida dadka deegaanka ay sheegeen uu qaatay maandooriyahan.

Markii la qabtay ganacsadaha, waxa uu sitay bac ay ka buuxaan kaniino cagaar ah oo lagu suntay magac Tafrodol. Baakidhada waxaa lagu shaabadeeyey astaanta gaarka ah ee Aveo Pharmaceuticals.

Ma ahan Tamale oo kaliya meelaha Kiniinada Aveo ay ku sababeen waxyeelo. BBC-da waxay heshay alaabaha ay sameeyeen Aveo, oo booliisku ka qabteen meelo kale oo Ghana ah.

Waxaan sidoo kale helnay caddayno ah in kaniinida Aveo lagu iibiyo waddooyinka Nigeria iyo Cote D’Ivoire, halkaas oo dhallinyaradu ku milaan cabitaanka khamriga si ay u kordhiyaan sakhradeeda.

Xogta soo dhoofinta iyo helitaanka dawooyinkan waxay muujinaysaa in Aveo Pharmaceuticals, oo ay weheliso shirkad kale oo walaasheed ah oo lagu magacaabo Westfin International, ay malaayiin kaniini ah keenaan Ghana iyo wadamada kale ee galbeedka Afrika.

Nigeria, oo ay ku nool yihiin 225 milyan oo qof, ayaa bixiya suuqa ugu weyn ee kaniinadan. Waxaa lagu qiyaasay in ilaa afar milyan oo Nigerian ah ay si xun u isticmaalaan nooc ka mid ah opioid-ka, sida uu qabo Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Nigeria.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhaqangelinta Maandooriyaha iyo Sharciga ee Nigeria (NDLEA), Brig Gen Mohammed Buba Marwa, ayaa BBC-da u sheegay, in opioids-ku ay dhibaato u gaystaan ​​dhallinyaradeenna, qoysaskeenna, waa bulsho kasta oo Nigeria ku nool.

Sannadkii 2018, ka dib baadhitaan BBC Africa Eye ku samaysay iibinta opioids sida daroogooyinka waddooyinka, mas’uuliyiinta Nigeria waxay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan xanuun baabi’iyaha opioid’ka ee si weyn loo tacaddiyeeyay oo loo yaqaan tramadol.

Hindiya kuma cusba dawooyinka aan sharciga ahayn ee la sameeyo, sidaas oo kale dawooyin Sharoobo ah oo ka soo baxa Hindiya oo qaarkood sharci haystaan ayaa carruuro ku dhinteen dalal Afrika, hay’ada caafimaadka adduunka ayaana qaarkood ka digtay.

Kooxda qarsoon ee BBC waxay agaasimayaasha Aveo u sheegeen in “saynisyahanada” ka shaqeeya warshadiisa ay isku dari karaan dawooyin kala duwan si ay “u sameeyaan badeeco cusub”.